Boliiska Soomaaliya oo Gacanta kusoo dhigay koox ka ganacsata Carruurta

0
Friday September 13, 2019 - 00:53:56 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boliiska Soomaaliya oo Gacanta kusoo dhigay koox ka ganacsata Carruurta

    Ciidanka Booliska Somaliya gaar ahaan laanta dembi baarista ee CID ayaa Maanta soo qabtay koox oo isku xiran, kuwaas oo ka ganacsada iib geynta Carruurta. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Janaraal; Zakiya Xuseen Axmed, ayaa barteeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Booliska Somaliya gaar ahaan laanta dembi baarista ee CID ayaa Maanta soo qabtay koox oo isku xiran, kuwaas oo ka ganacsada iib geynta Carruurta. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Janaraal; Zakiya Xuseen Axmed, ayaa barteeda Bulshada ku sheegtay in ay waqti badan ku qaadatay sidii loo soo qaban lahaa Dadkan abaabulan, balse ugu dambayn ay ku guuleysteen.

Kooxdan ayaa ka kooban 11 Qof, kuwaas oo 8 ka mid ihi ay yihiin Haween , waxaana haatan laga soo badbaadiyay 11 Carruur ah oo ay da'doodu u dhaxayso 11 jir illaa 16 Sana jir, iyagoo dhammaantood ahaa beec sugayaal.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan laanta dembi baarista ee CID ayaa Dad weynaha ka codsaday in ay lasoo xirriirto Cid kasta oo ay Ilmo ka maqan yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip