R/wasaare Khayre oo bogaadiyay howl galada ka dhanka ah argagixisada+sawirro

0
Tuesday September 10, 2019 - 21:17:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/wasaare Khayre oo bogaadiyay howl galada ka dhanka ah argagixisada+sawirro

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaamiyo oo ka baxay magaalada Beydhabo ee caasimada Kumeel Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Xudur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaamiyo oo ka baxay magaalada Beydhabo ee caasimada Kumeel Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Xudur ee xarunta gobaka Bakool.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Waasiirro, Xildhibaanno, maamulka gobalka Bakool iyo degmada Xudur, iyo dadweyne kale ayaa garoonka uga hor tegay wafdiga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u jeedada socdaalkiisu yahay in wax badan uu ka ogaado baahiyaha ay qabaan bulshada Koonfur Galbeed, si loo fuliyo mashaariic horumarinteed oo waxtar u leh horumarka bulshada iyo deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadweyne isugu soo baxay soo dhaweyntiisa waxa uu kula hadlay garoonka kubbadda cagta Dr. Waaberi, waxa uuna maamulka iyo shacabka degmada Xudur iyo guud ahaan bulshada Koonfur Galbeed uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ee wafdiga uu hoggaaminayo u sameeyeen.

Mudane Xasan Cali Khayre oo bulshada Xudur ku ammaanay sida geesinimada iyo midnimada leh ee ay cadawga isaga xoreeyeen, magaaladana ay amni uga dhigeen, iyaga oo aan helin teegeero meel kale uga timid, ayaa ballan qaaday in dowladdu ay u sameyneyso mashaariic horumarineed oo ay qayb ka tahay casriyeynta Garoonka kubbadda Cagta Dr. Waaberi.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Xudur waxa uu la kulmayaa bulshada qaybaheeda kala duwan iyo maamulka gobalka Bakool, si uu uga dhageysto xaaladda gobalka iyo talooyinkooda ku aaddan dib-u-kabashada deegaanka iyo guud ahaan dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip