Madaxweynaha Hirshabeelle oo Sheegay in ay Bilaabanayaan Howlgalo la isugu Furayo Wadooyinka ay Cadowgu Go'doomiyeen.

0
Tuesday September 10, 2019 - 21:15:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Hirshabeelle oo Sheegay in ay Bilaabanayaan Howlgalo la isugu Furayo Wadooyinka ay Cadowgu Go'doomiyeen.

    Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Xerada Ciidamada AMISOM gaar ahaan Tan Itoobiya kaga qeyb galay munaasabad Qado Sharaf ah oo ay saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay u sameeyeen Madaxweynaha, xubnaha Labada Gol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Xerada Ciidamada AMISOM gaar ahaan Tan Itoobiya kaga qeyb galay munaasabad Qado Sharaf ah oo ay saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay u sameeyeen Madaxweynaha, xubnaha Labada Gole ee Hirshabeelle iyo mas'uuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qadada Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Qeybahooda Kale duwan.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabelle oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta Muhiimada ay u leedahay Hirshabeelle in la isku furo wadooyinka kala xiran ee ay Go'doomiyeen Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab, waxaana carabka uu ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayaan Holwgalo la isugu furayo wadooyinka Xiran.

Ugu dambeynta Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Shahaado Sharaf Guddoonsiiyey Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka, Maamulka Gobolka iyo Masuuliyiin kale.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip