Ra'iisul Wasaare Ku-xiggeenka XFS oo Kormeeray dib u dhiska ka socda garoonka Muqdisho Stadium.

0
Monday September 09, 2019 - 22:11:38 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Ku-xiggeenka XFS oo Kormeeray dib u dhiska ka socda garoonka Muqdisho Stadium.

    Dawladda Soomaaliya ayaa Boggaadisay dhismaha ka socda Garoonka Ciyaaraha Muqdisho Stadium oo dhismihiisu gabo-gabo ku dhowyahay, waxaana maanta Kormeer ku tagay halkaasi Masuuliyiin uu horkacayo Ra'iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Federaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Soomaaliya ayaa Boggaadisay dhismaha ka socda Garoonka Ciyaaraha Muqdisho Stadium oo dhismihiisu gabo-gabo ku dhowyahay, waxaana maanta Kormeer ku tagay halkaasi Masuuliyiin uu horkacayo Ra'iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaalia Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Ciyaaraha XFS iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Filish, ayaa sheegay in maamulka Gobolka uu gacan wweyn ka geeysan doono dib u dhiska Garoonka Muqdisho Stadium, isaggoo xusay in dib u dhiska garoonkaan uu qeyb weyn ka qaadanayo Amniga iyo Isdhex-galka Bulshadda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa sheegay in dib u dayactirka Tuulada Ciyaaraha dalka Cidna aysan Joojin karin, waxaana uu tilmaamay in Dawladda ay baari doonto Warbaahintii sheegtay in Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ay joojiyeen dhismaha Garoonkaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip