R/Wasaare Khayre oo Guddoomiyay shirka golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

0
Sunday September 08, 2019 - 19:51:22 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaare Khayre oo Guddoomiyay shirka golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed oo looga hadlay dar-dar-gelinta shaqooyinka tubaha Koonfur d.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed oo looga hadlay dar-dar-gelinta shaqooyinka tubaha Koonfur d.

Mudane Khayre, ayaa sheegay in ku shaqeynta tubuhu ay qeyb ka noqoneyso dejinta nidaam lagu shaqeeyo mustaqbalka, loona baahan yahay in wadajir looga howl-galo si loo fududeeyo hir-gelinta halbeegyada tubaha ee muhiimka u ah u adeegidda Bulshada, gaaridda hadafyada waaweyn  ee Qarannimo iyo hir-gelinta himilooyinka Bulshadu ay leeyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha oo golaha Wasiirada u sheegay in socdaalkiisa uu qeyb ka yahay dhageysiga Bulshada si loo helo fikirkooda horumarineed, wuxuuna intaa raaciyay in ay muhiim tahay wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo maamul Gobaleedyada si loo hirgeliyo qorshayaasha horumarineed ee Shacabka lagu gaarsiinayo amni hagaagsan, caafimaad iyo waxbarasho tayo sare leh oo Lacag la’aan ah.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay wax qabadka ballaaran ee maamulkiisu qabtay intii uu xilka hayay iyo sida uu tusaalaha wanaagsan ugu yahay wada-shaqeynta Dowladda dhexe iyo maamul Gobaleedyada Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa intaa ka dib kormeeray qaar kamid ah wasaaradaha  iyo Madaxtooyada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, wuxuuna howl wadeennada wasaaradaha ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan shaqada loogu adeegayo shacabka Koonfur Galbeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip