R/wasaare Khayre oo garoonka kubadda Cagta Dr Ayuub kula hadlay shacabka Baydhabo+sawirro

0
Saturday September 07, 2019 - 16:32:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/wasaare Khayre oo garoonka kubadda Cagta Dr Ayuub kula hadlay shacabka Baydhabo+sawirro

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Madaxweyah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Madaxweyaha iyo gudddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, wasiirro iyo mas'uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo kumannaan dadweyne ah oo soo dhaweyntiisa isugu soo baxay kula hadlay garoonka kubbadda Cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaran ee wafdigiisa ay u sameeyeen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicsiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay booqashada uu ku tagay deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay horumarinta deegaanka iyo sida uu u wanaajiyay xariirka dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inta uu joogo in uu kala hadli doono horumarinta caafimadka, waxbarashada, adkeynta amniga, xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip