Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

0
Saturday September 07, 2019 - 16:29:12 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

    Wafdigan uu hoggaaminayo Ra"iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdigan uu hoggaaminayo Ra"iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ra”iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,maamulada gobolka,kan degmada Baydhabo,odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Inta uu joogo halkaasi wuxuu la kulmi doonaan madaxda Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanadaasi,iyadoo magaalada laga dareemayo soo dhaweynta wafdiga raiisul wasaaraha.

Boorar ku xardhan sawirka ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu dhejiyay waddooyinka iyo meelo badan oo kamid ah magaalada,taasi oo qeyb ka ah soo dhaweyntiisa.

Raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa muddooyinkan wuxuu ku sugnaa deegaanada Galmudug,halkaasi oo uu ka waday dadaalo dib u heshiisiineed,wuxaana uu halkaas kasoo furay Shirka dib u Heshiisiinta galmudug kaas oo ay ka qeybgalayaan ergooyin  badan oo reer galmudug ah, Sidoo kale wuxuu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip