Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay askari horay dilal u gaystay

0
Saturday September 07, 2019 - 12:48:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay askari horay dilal u gaystay

    Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo 17-kii bishii June 2018 ku dilay degmada Kaaraan saddex qof oo walaalo ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo 17-kii bishii June 2018 ku dilay degmada Kaaraan saddex qof oo walaalo ah.

Askarigan oo lagu magacaabo Xaashi Cali Maxamuud ayaa muddo sanad ah baxsad ahaa, waxaana  gacanta lagu soo dhigay 7dii June ee sanadkaan 2019, waxaana lugu soo eedeeyay inuu dilay saddex ruux oo walaalo ah oo lagu kala magacaabi jiray Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo C/llaahi Axmed abuukar.

Askarigan dilka loo haysto ayaa ka dhacay degmada Kaaraan bishii June 2018, waxaana la sheegay in sababta uu saddexdan walaalo u dilay ay ahayd muran dhinaca dhulka ah oo ka dhaxeeyay.

Xeer ilaaliye Ku xigeenka guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha uu si bareer ah u dilay, isagoo miir qaba saddax walaalo ah oo aan midkoodna hubeysnayn, sidoo kale eedaysanaha uu ka baxay Afisyooni, ugana tagay marxuumiinta uu dilay duleedka degmada Kaaraan, halkaasoo uu ku dilay saddaxda qof ee walaalaha ah.

Ugu dambayn garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukumo Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Go’aanka Maxkamadda ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip