Halyay Qaranka Naftiisa uhiibay Marxuum Cabdinaasir Cabdulle Gacal,

0
Tuesday August 20, 2019 - 21:05:44 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halyay Qaranka Naftiisa uhiibay Marxuum Cabdinaasir Cabdulle Gacal,

    Allaha Unaxariisto Marxuum Ex Wariye Cabdinaasir Gacal oo kamid ahaa Sawirqaadayaasha M/Muqdisho kahowlgala kuwooda ugu xirfada badan waxaa uu 14/Bishaan Agousto ku Shahiiday Degmada Aawdheegle Ee Gobolka Shabeelaha hoose halkaasi oo Ciidanka Kumaand

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha Unaxariisto Marxuum Ex Wariye Cabdinaasir Gacal oo kamid ahaa Sawirqaadayaasha M/Muqdisho kahowlgala kuwooda ugu xirfada badan waxaa uu 14/Bishaan Agousto ku Shahiiday Degmada Aawdheegle Ee Gobolka Shabeelaha hoose halkaasi oo Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka 8/Bishaan Agoosto kalawareegeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku dhibaateeynjiray Dadka Soomaaliyeed ee halkaasi kudhaqan.

Marxuum Cabdinaasir Cabdulle Gacal iyo koox wariyaal ah waxeey go,aansadeen in naftooda uhibeeyaan Qarankooda waxeey Ciidanka kala dhaqaaqeen Magaalada Muqdisho waxeeyna maalmo Ciidanka ay lahowlgalayeen gaareen Aawdheegle.

Inta howlgalka uu socday waxeey soo tabinayeen guulaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo sida ay u baacsanayeen Argagixisada waxeey soodirayeen Muuqaalo Sawiro iyo Codad katurjumayay xaalada dhabta ah ee kajirtay Degmada Aawdheegle.

Kadib markii Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ay soo gabagabeeyeen howlgalkii wariyaashii kale ee katirsanaa Warbaahinta Qaranka waxeey go,aansadeen in ay kusoo laabtaan Muqdisho oo ay markii hor ay ka baxeen Bale Halgamaa Cabdinaasir wuxuu go,aan kugaaray in uu lasii joogo Ciidanka Xoogga Dalka si uu soo tabiyo isbadalada kuyimid Aawdheegle iyo sida Shacabka ay usoo dhaweeynayaan Ciidanka wuxuu udulqaadanayay Qoraxda Qaboowga Gaajada iyo Haraadka Marxuumka wuxuu si mutadhawacnimo ah ula shaqeeynayay Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida isagoon dhaqaale raadis ahayn balse ujeedadiisu ahayd inuu Dalkiisa iyo Dadkiisa ushaqeeyo Naftiisana uhuro Cabdinaasir isagoo heli karayay fursado shaqokale oo dhaqaale kuheli karay islamarkaasna Naftiisa halis galineeynin ayuu ubareeray Qatarkasta oo uga imaankartay goobaha Dagaalka.

Halgamaa Cabdinaasir Cabdulle Gacal Xafladiisa Qalinjabinta Jaamacada waxeey ahayd 7/08/2019 maalin Arbaco ah kolkaasi wuxuu lahowlgalayay Ciidanka Xoogga Dalka kama uusan qeeybgalin Xafladaasi loo dhigay Afarsano uu waxsoo baranayay.

Allaha Unaxariistee Wariye Cabdinaasir Cabdulle Gacal wuxuu dhashay Burburkii Doowladii dhexe Dalka kadib wuxuu kudhshay M/Muqdisho wuxuu waxkusoo bartay coladihii Dalka kajiray oo ilaa Jaamacad kudhameeyay Xirfadiishu waxeey ahayd Filimqaade Sawirqaade Farsamayaqaan xirfadiisu sareeysay wuxuu kasoo shaqeeyay Tv-SomaliChannel. Bulsho Tv. Sbs Tv. HornCble Tv. iyo Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida.

Halyay Cabdinaasir Cabdulle Gacal wuxuu 14/82019 Maalin Arabaco ah kushahiiday Degmada Aawdheegle kadib markii Maleeshiyada Argagixsada Al-shabaab ay isku dayeen inay weerar kusoo qaadaan weerarkaasi oo qasaare xooggan lagu gaarsiiyay balse Marxuumka ayaa ugeeriyooday gaadiid waxyaabaha Qarxaha ay kasoo buuxiyeen waxyeelo kasoo gaartay xili uu ku gudajiray waajibaadkiisa shaqo.

Wuxuu ahaa ruux dabeecad wanaagsan dulqaadbadan Bashaash ah Soomaalinimada iyo Daljaceeylka kuweeyntahay inkastoo Geeridu lama huraantahay hadana Geeridiisu waxeey ahay mid saameeysay Bahda Saxaafada Soomaaliyeed gaar ahaan Snaradio.

Allaha Unaxariisto Cabdinaasir Waxaan kutilmaamikaraa inuu ahaa Halyay Qaran oo Naftiisa uhibeeyay Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed inay Guuleeysato.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip