Ciidanka xoogga dalka oo 20-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ku dilay duleedka Bariire

0
Monday August 19, 2019 - 20:31:57 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka xoogga dalka oo 20-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ku dilay duleedka Bariire

    Ciidanka Xoogga dalka ayaa in ka badan 20-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ku dilay duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha markii maleeshiyada ay isku dayeen iney weeraraan saldhig Ciidanku ku leeyihiin deegaankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga dalka ayaa in ka badan 20-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ku dilay duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha markii maleeshiyada ay isku dayeen iney weeraraan saldhig Ciidanku ku leeyihiin deegaankaasi.

Taliyaha Ciidamada Dhulka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in jab xooggan la gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab markii ay isku dayeen xalay iney weerar ku soo qaadaan saldhig ciidanka Xoogga dalka ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire,halkaasina looga dilay 20-ka tirsan maleeshiyadooda halka tiro intaasi ka badana looga dhaawacay.

S/Guuto  Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay ka feejignaayeen dhagarta cadowga ummadda Soomaaliya,islamarkaana weerarkaasi ay ku halaagsameen,Argagixisada  ciidanka Xoogga Dalka ay guulo ka gaareen.

Ciidamadda Xoogga Dalka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka waday Gobolka Shabeellaha hoose howlgallo lagu baacsanayo argagaxisada, iyadoo maleeshiyada Al-shabaab ay soo wajahday cabsi xooggan oo uga imaaneysa Ciidamada geesiyaasha Qaranka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayeey aheyd markii deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaasi laga xureeyay cadowga Ummadda Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip