General Saadaq oo ku guuleestay Sugida Amniga Caasimada Muqdisho''Warbixin''

0
Sunday August 18, 2019 - 21:09:56 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 3306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    General Saadaq oo ku guuleestay Sugida Amniga Caasimada Muqdisho''Warbixin''

    Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa xooga saaray Xaqiijinta Amniga Caasimada Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa xooga saaray Xaqiijinta Amniga Caasimada Magaalada Muqdisho.

General Saadaq Cumar Xasan Taliyaha Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa la yimid qorshe ka dhan ah Xaqiijinta Amniga Gobolka Banaadir tan iyo Markii loo Magacabay Xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir

 

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sidoo kale awood badan saartay Sugida Amniga magaalada Muqdisho, waxaana Bishii May ay xukuumadda federaalka ah meelmarisay qorshaha xasilinta Banaadir,

 

Amnigu waa furaha kowaad ee nolosha, waana waxa ugu horeeya ee ay maanta baahi u qabaan dadka soomaaliyeed, madaxda qaranka oo ka duulaya dareenkaas ayaa xooga saaray in la sugo amniga dalka gaar ahaan caasimadda.

 

Dowlada soomaaliya ayaa dejisay qorshaha xasillinta amniga caasimadda, waxaa la hawlgeliyay Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo loo dhameestiray qalabkii ay ku Howlgali lahayen.

 

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir S/guudto Saadaq Cumar Xasan oo kaa shanayo shacabka iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ku guuleestay in ay ka hortagaan weeraro qaraxyo iyo dilal Qorsheysan oo Nabadiidka la damacsanayeen shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho,

 

Baraha Kontorol ee Laga Soo Galo Magaalada Muqdisho ayaa Taliska Booliska Gobolka Banaadir waxa uu geeyay Ciidamo Badan oo ka Tirsan Booliska Soomaaliya kuwaasi oo ku guuleestay xaqiijinta Amniga Caasimada.

 

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo kaa shanayo Shacabka Muqdisho ayaa xaafadaha Magaalada ka Bilaabay Howlgal lagu xaqijinayo Amniga waxayna gacanta kusoo dhigeen Gaadiidlaga soo buuxiyay Walxaha qaraxa

WaxaaBoqolkiiba Boqol lagu guuleestay Amniga Caasimada Muqdisho iyadoona Isgoosyada Magaalada Muqdisho lagu arkayo Ciidamo ka tirsan Booliska oo Baaritaano ka wada

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo uu Hogaaminayo General Saadaq Cumar Xasan ayaa Sadaxdii Bishii june ee Sanadkaan Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlayay Amniga

General Saadaq Cumar Xasan oo kulan Amniga ka hadlay ayaa Faray Taliyeyaasha Saldhigyada Degmooyinka, Saraakiisha maamusha Kontoroolada Magaalada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir in si wadajir ah uga shaqeeyaan Amniga Caasimada

Guulaha uu soo Hooyay general Saadaq ayaa waxaa soo dhaweeyay Shacaka Soomaaliyeed iyo Madaxda Qaranka.

Wareegto ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamuuriyada Fadaralka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu dalacsiiyay Saadaq Cumar Xasan waxaana loo dalacsiiyay Darajada Sareeyo guudto

W/Qoray:-Abdiwahid Ahmed

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip