Deg Deg Duqeymo ka dhacay Saldhigyada Al-shabaab ee Janaale iyo Mubaarag
Duqeynta Koowaad ayaa ka dhacday degaanka Mubaarag Halkaasi oo la sheegay in Nabadiidka Al-shabaab ay ku diyaariyeen Gaadiid qaraxyo ah
Saldhigga Nabadiidka Al-shabaab ee degaanka Mubaarak duqeynta ka dhacday Maleyshiyaad ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab kuwaasi oo la sheegay in ay halkaasi kasoo gaartay dhimasho iyo dhaawacyo
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in duqeynta ka dhacday saldhiga Mubaarag lagu dilay 21 Maleyshiyaad iyo horjogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib
duqeynta Mubaarag ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 37 Maleeshiyaad Argagixisada Al-shabaab katirsan
dhanka kale degaanka Janaale ayaa waxaa Habeenimadii xalay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo lagu bartilmaameysaday Maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo la sheegay in ay aasayeen Meydadka Maleyshiyaadkii lagu dilay weerarkii Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellada Hoose
duqeynta ka dhacday degaanka Awdheegle ayaa la sheegay in qasaar dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray Nabadiidka Al-shabaab
Deg Deg Duqeymo ka dhacay Saldhigyada Al-shabaab ee Janaale iyo Mubaarag
Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabellada Hoose ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka Howlgalka Africomoo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ay duqeymo Cirka ah ka Fuliyeen Saldhigyo Nabadiidka Al-shabaab ku lahayeen Degaanada Mubaarag,Janaale ee Gobol