Wariye C/Naasir Cabdulle Gacal oo Muqdisho lagu aasay

0
Thursday August 15, 2019 - 19:28:40 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye C/Naasir Cabdulle Gacal oo Muqdisho lagu aasay

    llaha U naxariistee Marxuum Cabdi Naasir Cabdulle Gacal oo shalay ku shadiiday weerar Nabadiidka Al-shabaab ay ku qaadeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellada Hoose ayaa Maanta lagu Aasay M/Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

llaha U naxariistee Marxuum Cabdi Naasir Cabdulle Gacal oo shalay ku shadiiday weerar Nabadiidka Al-shabaab ay ku qaadeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellada Hoose ayaa Maanta lagu Aasay M/Muqdisho.

 Marxuumka ayaa waxaa lagu Aaasay Qubuuro kuyaalo Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho

waxaana kaqeeybgalay Masuuliyiin kasocday Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka Maamulka iyo Shaqaalaha Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida Saraakiil Waalidiinta Marxuumka iyo Dadweeyne kale

 

Aaska  kadib ayaa waxaa Warbaahinta si kooban ula hadlay Agaasimaha

Guud ee Idaacada Ciidamada qalabka Sida Maxamed Muuse  wuxuuna ka tacsiyeeyay Geerida Wariyaha wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa Jano kawaraabiyo.

 

Qaar ka mid ah Wariyayaasha  Idaacada Ciidamada qalabka sida  oo Aaska ka qeyb galay

ayaa sheegay in Wariye Gacal uu ahaa saxafi u taagnaa Difaaca Dalka uuna ahaa shaqsi ay marna ilaawidoonin waxeeyna intaasi kudareen inay sii wadidoonaan shaqadii uu katagay walaalkood Marxuum Cabdinaasir Cabdulle Gacal

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip