Saraakiisha qaybta 21-aad Ciidanka Xoogga oo ka arinsaday qaabka Argagixisada looga Xoreeynkaro Degaanada Galmudug,

0
Tuesday August 13, 2019 - 14:25:40 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiisha qaybta 21-aad Ciidanka Xoogga oo ka arinsaday qaabka Argagixisada looga Xoreeynkaro Degaanada Galmudug,

    Kulan uu Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga, Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi "Qooje" uu maanta la qaatay saraakiisha ka tirsan qaybta ayaa looga hadlay wadashaqeynta taliska, iyo dardar gelinta qorshaha argagaxisada looga saarayo deegan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan uu Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga, Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi "Qooje" uu maanta la qaatay saraakiisha ka tirsan qaybta ayaa looga hadlay wadashaqeynta taliska, iyo dardar gelinta qorshaha argagaxisada looga saarayo deegannada Galmudug.

Saraakiisha qeybta 21-aad ee kulanka ka qayb galay oo taliyaha cusub ee qaybta ugu hambalyeeyey xilka, ayaa ballan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan ka guul gaaridda xoreynta deegaannada Galmudug, si loo helo nabad waarta iyo horumar.

Saraakiisha ayaa u mahadceliayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo dhammaan cid kasta oo gacan ka geysatay isku dhafka ciidanka iyo u diyaarinta xoreynta deegaannada Galmudug.

Taliyaha Guutada 15-aad, Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha qaybta 21-aad ee saldhiggedu yahay magaalada Dhuusamareeb, Cabdicasiis Cabdulaahi cabdi "Qooje” oo ka war bixiyay waxyaabihii kulanka looga hadlay ayaa si wadajir ah u ballan qaaday in talisku uu ka shaqeynayo sidii bulshada ku nool Galmudug guud ahaan ay uga dul qaadi lahaayeen argagaxisada dhibaatada ku heysa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip