Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lawareegay Degaanka Shaam oo hoosyimaada Aawdheegle,

0
Sunday August 11, 2019 - 15:54:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lawareegay Degaanka Shaam oo hoosyimaada Aawdheegle,

    Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Howlgal Qorsheysan waxa ay ka sameeyeen Degaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Howlgal Qorsheysan waxa ay ka sameeyeen Degaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle.

Weerarkan qorsheysan ee saakay lagu qaaday Argagixisada ayaa jab xoogan loogu geystay Maleeshiyada Al-Shabaab sida uu u sheegay Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida Taliyaha Ciidammada Dhulka S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage.

"Waxaan Howlgal Qorsheysan ku qaadnay deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle waxaana jab xoogan ugu geysannay Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo iyagu u had iyo jeer daadiya dhiigga Ummadda iyo dhacca xoolaha shacabka soomaaliyeed, annagoo la wareegnay gacan kuheynta deegaankaas.”

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Kumaandooska ayaa dhawaan Kooxda Alshabaab kala wareegay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyagoo jab xoogan gaarsiiyay Argagixisadii halkaasi Shacabka ku dhibi jirtay ee Alshabaab.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip