Dowladda FS oo war ka soo saartay dhacdadii Baydhabo ka dhacday.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dhacdadii naxdinta lahayd ee ka dhacday degmada Baydhabo ee gobolka Baay.
Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa lagu sheegay in aanan marnaba la aqbali karin sii socoshada dagaal beeleedyada khatarta ku ah xasilloonida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa looga tacsiyadeeyey maamulka Koofur Galbeed dhibaatadii ay ku dhinteen dad gaaraya 5 ruux ee ka dhacday magaalada Baydhaba.
Halkan ka akhriso:
Dowladda FS oo war ka soo saartay dhacdadii Baydhabo ka dhacday.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dhacdadii naxdinta lahayd ee ka dhacday degmada Baydhabo ee gobolka Baay. Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane Maxamed Cab