Madaxweeynaha Jamhuuriyada FS oo Dalka Masar kaga qaybgalaya Shirka Deg deg ah oo Xaalada Suudaan looga hadlayo

0
Monday April 22, 2019 - 17:35:31 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweeynaha Jamhuuriyada FS oo Dalka Masar kaga qaybgalaya Shirka Deg deg ah oo Xaalada Suudaan looga hadlayo

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xusuusan hiilkii iyo garab istaaggii Dowladda iyo shacabka Suudaan ay u galeen walaalahooda Soomaaliya, xilliyadii adkaa, ayaa mudnaanta siinaysa ka qeyb qaadashada dadaallada heer gobol iyo heer qaaradeed ee ku aaddan samata bixinta dalka Suudaan.

Madaxweynaha ayaa shir doceedyo la yeelan doona Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip