Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed''Aqriso''

0
Friday April 12, 2019 - 16:14:10 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed''Aqriso''

    12-ka April 1960-kii waa xilligii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaa soo lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, oo lagu magcaabi jiray waqtigaa Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, oo laga kala qoray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

12-ka April 1960-kii waa xilligii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaa soo lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, oo lagu magcaabi jiray waqtigaa Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, oo laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray, Degmo kasta waxaa laga soo xulay 50 Askari, oo tababarka, ama kuruudku ciidanka ku qaatay Xerada Bootiko, oo markii dambe loo bixiyay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xalane.

Dhanka Kale:- Gobollada Woqooyi waxa xilligaasi ka jirey ciidan lagu magcaabi jiray (Soomaali Scouts), oo ka koobnaa lix horimood iyo ciidan talis ah oo yar, ciidankaasi ma laheyn saraakiil xornimada ka hor, laakiin waxaa tababar dibadda loogu diray markii ay soo dhawaatay xorriyadda rag uu ka mid ahaa Xasan Cabdulle Walanwal (Keyd) horimahaasina waxaa lagu magcaabi jiray: –1. A Company, 2. B Company, 3. C Company, 4. D Company, 5. E Company, 6. F Company.

 

Ciidanka Waqooyiga markii xornimadu ay soo dhawaatay waxaa la doorran-siiyey in la ruqseeyo oo xaqooda la siiyo iyo in xaqooda loogu wareejiyo dowladda Soomaaliyeed ee dhalan doonta, waxaana sidaas doorran siiyey Gumeystihii Ingiriiska ee xilligaasi maamuli jiray Gobolada Waqooyi, waxey doorteen in xaqooda loogu wareejiyo dowladda soomaaliyeed ee dhalan doonta, sida la sheegeyna waxaa xaqoodii dowladda ingiriisku ugu dhiibtay Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal.

 

Waqtigii xorriyadda loo dagaalamayey ciidamada (Soomaali scouts regiment) waxay ka qeybqaateen halgankii xornimo u dirirka ahaa ee S.N.L. qaar badan oo iyaga ka mdi ahna waa lagu ruqseeyey, halka kuwa kalana xirxiray.

 

Sooyaalka Taariikheed Ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed waa mid aan la soo koobi Karin balse Maamulkii Xorriyad gaarsiinta ee Talyaaniga (A.F.I.S) wuxuu ka soo dhex saaray ciidankii booliiska raggii u badnaa ciidankii hore, wuxuuna ka dhigay xiddig sugeyaal, iyadoo uu u xiray xiddig madow raggaasoo tiradoodu ay gaareysay xilligaasi 20-ruux waxaana ka mid ahaa: –

Daa’uud Cabdulle Xirsi, Max’ed Abshir Muuse,  Max’ed Ibaahim Axmed (Liiq-liiqato), Max’ed Ceynaanshe Guuleed, Xuseen Kulmiye Afrax, Max’ed Siyaad Barre,  Max’ed Bin Khamiis. Hilowle dhag naas. Max’ud Hadaafow, Cabdalle san dheere, Jaamac Ow-Muuse. Cabdulle Barre Qallaaye, Cali Cilmi Barre, Max’ed Cali Mire, Cusmaan Sabriye Cali.(Cusmaan Sonkor), Ismaaciil Max’ed, Darbiyo salaam, Cabdulle Carro Gubatay, Surwaal gab.

 

Dhammaan raggaasi waxay nasiib u yeesheen in tababar dalka dibadiisa loogu diro gaar ahaan dalka talyaaniga  oo ay ku soo barteen xeeladaha iyo tabaha kala duwan ee loo carbiyo ciidamada melateriga iyagoo loo kala qeybiyay dhowr kooxood.

 

Kooxdii Koowaadee ugu horeysay ee loo diray Koorsadii Talyaaniga sanadkii 1952-kii ee soo qaatay tababarkii Ciidanka Military-ga waxay kala ahaayeen:- Daa’uud Cabdulle Xirsi, Max’ed Abshir Muuse,   Max’ed Ceynaanshe Guuleed,  Max’ed Ibraahin Axmed (Liiq-liiqato), Xuseen Kulmiye Afrax, Max’ed Siyaad Barre Cabdille, Max’ed Bin Khamiis, Cabdalla san Dheere.

 

Kooxdii Labaadee loo diray Koorsadii Talyaaniga sanadkii 1953-kii ee soo qaatay tababarkii Ciidanka Military-ga waxay kala ahaayeen:- Jamaac Aw-Muuse, Max’ed Cali Mire.  Cabdulle Barre Qalaaye, Cali Cilmi Barre. Cusmaan Sebriye Cali.(Sonkor), Ismaaciil Max’ed (Eritrea).

 

Kooxdii Seddexaadee loo diray Koorsadii Talyaaniga sanadkii 1954 -kii ee soo qaatay tababarkii Ciidanka Military-ga iyaguna waxay kala ahaayeen-Max’ed Cali Samatar.  Salaad Gabeyre Kediye.  Max’ed Faarax Xasan (Ceydiid)  Cilmi Nuur Tareey, Cabdalla Max’ed Faadil, Abuukar Gacal Muudeey, Abuukar Xasan Weheliye (Suulaley),  Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ibraahim Rooble Warfaa (Doonyaale), Nuur Caddow Cali, Max’ed Nuur Max’ed (Baarqab) , Max’ed Cali Sharmaan, Xasan Max’ud Sebriye (Gaamuur).

 

Waxaa ka dib xigay koorsooyin kale oo tababaro ciidan ku soo qaatay oo saraakiil noqoday dhalinyaro kale oo ay ka mid ahaayeen:- Cabdulqaadir Dheel Cabdulle, Max’ed Sheekh Macow, Cali Mataan Xaashi, Max’ed Raajis Max’ed, Cali Jaamac Cali, Axmed Ismaaciil Boqor, Tawaad Dhallin Fiidow, Cusmaan Cabdulqaadir, Iyo  Feytaan.

 

Ciidankii tiradiisu ahayd 2000 ee laga kala soo qoray, 6-dii gobol ee ka tirsanaa Gobollada Koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray, Degmo kasta waxaa laga soo xulay 50 Askari, oo tababarka, ama kuruudku ay ku galeen Xerada Bootiko, ee markii dambe  loo bixiyay Dugsiga Tababarka Ciidamada Xalane, ciidankaasi oo ka koobnaa 8 horimood, ayaa Taliyeyaal looga dhigay 8 sarkaal oo dhalinyaro ah isla markaana qaatay darajada Kabtan ama Dhamme Saraakiishaasina waxay kala ahaayeen:-

Dhamme Max’ed Cali Samatar Taliyaha Horinta 1-aad

Dhamme Salaad Gabeyre Kediye Taliyaha Horinta 2-aad

Dhamme Max’ed Farax Xasan (ceydid) Taliyaha Horinta 3-aad

Dhamme Cilmi Nuur Tareey  Taliyaha Horinta 4-aad

Dhamme Cabdalla Max’ed Faadil Taliyaha Horinta 5-aad .

Dhamme Abuukar Gacal Muudeey Taliyaha Horinta 6-aad

Dhamme Abuukar Xasan Weheliye, Taliyaha Horinta 7-aad

L/xidigle Cabdulqaadir Dheel Cabdulle Taliyaha Horinta 8-aad.

 

Kaddib, markii uu ciidanku dhameystay tababarka waxaa loo kala qeybiyay 4 qeybood ku waa soo la kala dajiyay afar sal-dhig oo ku kala yaala magaalooyinka Muqdisho. Beled weyne Hargeysa. Baydhabo.

1-Qeybta Kowaad waxaa loo beddelay magaalada- Hargeysa

2- Qeybta Labaad waxaa loo beddelay magaalada- Beled weyne

3- Qeybta Saddexaadna waxaa loo beddelay magaalada- Baydhabo

4-Qeybta Afaraadna waxaa lagu reebay magaalada- Muqdisho.

Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay soo martay heerar iyo marxalado kala duwan oo mid weliba leh qiimeeynteeda gaarka ah, Balse Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud 12kii Abriil 1960 waxa uu ku dhawaaqay dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed isagoo hore u saxiixayna dekreeto Lambar 15 ee 6dii April 1960kii lagu dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sidaas ayeyna 12ka April u noqotay maalinta loo dabaaldago Ciidanka Xoogga Dalka,

 

Alaha u naxariistee Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud  wuxuu Taliyihii Guud ee ugu horeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, , u magacaabay Alaha Unaxariistee Jenneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi (Feynuus) una dalacsiiyay  darajada (S/Guuto).

 

Abaanduulana waxaa loo magacaabay S/gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre, markii uu geeriyooday Taliyihii Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Sanadkii 1965-kii, waxaa jagadaasi loo magcaabay Jenneraal Maxamed Siyaad Barre, isagoo Taliyaha Ciidanka ahaa tan iyo Sanadkii 1969kii, ka dibna waxaa beddelay Gen Maxamed Cali Samatar.

 

Marxaladihii uu soomaray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaalieed waxaa loo kala qeybin karaa saddex marxaladood.

Marxaladda Kowaad:-waa intii u dhaxeysay 1960kii ilaa 1969kii, xilligii dowladihii rayidka, xilligaa ciidanka wuxuu ku jiray marxalad soo korid oo aan lahayn tababar sare iyo qalab intaba, inkastoo ciidanka tiro ahaan iyo tayo ahaanba uu aad u dhisnayn, haddana wuxuu guulo taariikhi ah ka soo hooyay dagaalkii 1964kii uu la galay ciidammada Xabashida Itoobiya oo uu Adduunkii la yaabay sida dowlad 4 sano jir ah ay uga adkaan karto ciidan boqortooyo ah oo saddex boqol sano soo jirtay kana ciidan iyo saanad badan.

 

Marxaladdii Labaad:-ee dhismaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Waxa Uu ahaa intii u dhaxeysay Sanadihii 1969kii ilaa iyo 1990kii oo ah xilliga dowladdii militeriga ay gacanta ku heysay hoggaanka talada dalka.

Xilligaasi Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waa xilligii uu ugu dhismo iyo tababar badnaa waxaana la ballaariyay dhismihii ciidanka, waxaa la dhisay ciidanka lugta iyo qeybaha kale ciidanka.

Ciidanka Difaaca Cirka, oo markii hore ahaa horimo gaar ah, sidoo kale, waxaa la ballaariyay qeybihii gobollada dalka ku waa soo ay xarumo u ahaayeen Magaalooyinka- Muqdisha, Dhuuso-mareeb Hargeysa, Burco, Baydhabo iyo Kismaayo.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xilligii dowladdii militeriga wuxuu gaaray xagga dhismaha iyo farsamada heer aad u sarreeya, wuxuuna ka soo qeyb galay dagaallo iyo howlo nabad ilaalin oo nabadgalyada loogu soo celinayo dalalka ka tirsan Qaarada Afrika taa soo uu ku kasbaday in loogu yeero Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (Libaaxyada Afrika).

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuu mar kale dagaal uu la galay Sanadkii 1977-kii Ciidamada xabashida Itoobiya, kaa soo isna nonqday dagaal kale oo runtii taariikh reebay oo ka yaabiyay dowladihii waaweynaa ee Ruushka iyo Mareykanka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, haddii dagaalkaas dowladda Ruushka aysan soo faragelin lahayn waxaa hubaal ahaa in Itoobiya gacanteeda uu ka bixi lahaa dhulka Soomaali galbeed.

 

Marxaladda Saddexaad:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, laga soo billaabo laga soo billaabo 1980kii, markii laga soo noqday dagaalkii 77ka waxaa ku billowda Nusqaamid kaa soo sii socday ilaa 1989kii, xilligaasoo saraakiil iyo ciidan fara badan ay ku biireen jabhadihii mucaaradka ku ahaa dowladdii militeriga ahayd, taasina waxay dhalisay in awoodii ciidanka uu ku yimid dib u dhac.

Laakiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxa uu ugu dambeyn uu burburay Sanadkii 1991kii, markii lagu amray in ay hubkooda ku wareejiyaan jabhadaha taasina waa tan sababtay in hubkii Ciidanka uu gacanta u galo shacabka dabadeedna la isku laayo qabiil-qabiil dalkana uu u kala go’go’o gobollo ay qabiillo u taliyaan.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, intii uu jiray dagaallada dalka lagu difaacayay waxuu ka soo qeyb qaatay fatahaadihii webiga shabeelle Sanadkii 1961, taa soo uu gacan weyn ka geystay badbaadinta iyo soo bixinta dadka iyo duunyada ama xoolaha ee ku noolaa agagaarka webi shabeelle.

 

Sidoo kale, waxaa uu ka qeyb qaatay sama talabixinta dadkii ku waxyeeloobay abaartii daba-dheer Sanadkii 1974kii dalkeenna ka dhacday iyo dejintii dadkaasi markii dambe la dejiyay dhul-beereedka iyo xeebaha sida:- Kurtun Waareey, Sablaale, Dujuuma iyo Xeebaha Cadale iyo Braawe, loona bixiyay Dan-wadaagaha.

 

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu kaloo ka qeyb qaatay kalin muhiim ah oo uu ka ciyaaray ololihii bacaad celinta Shalaanbood ee Gobolka Sh/Hoose.

 

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa dib loo abaabulay, xilligii  Dowladihii KMG ahaa, Ayadoo ujeeddadu ay ahayd in dib loo soo celiyo maqaamkii uu ku lahaa Gobolka Ama Qaarada Afrika.

 

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, isagoo weli ku jira dib u dhiskii iyo qalabayntii, haddana wuxuu durba guulo lagu faani karo ka soo hoyay dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijiinta ee AL-Shabaab, isagoo garab ka helaya Ciidammada Midowga Afrika ee Amisom, si dib loogu soo celiyo Nabadgalyada iyo Horumarka Dalka.

 

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Waxaa Soomaray Taliyayaal Kala Duwan Oo Sumacad Iyo maamuus balaaran ku Leh Ciidanka dhexdiisa iyo Ummadda Soomaaliyeed Waxana Ka mid ah Taliyayaashaasi.

 

1960-kii 1990-kii

Gen Daauud Cabdulle Xersi

Gen Maxamed Siyaad Barre

Gen Maxamed Cali Samatar (2-jeer)

Gen Cumar Xaaji Masalle

Gen Aadan Cabdullaahi Nuur (Aadan Gabyow)

Gen Maslax Maxamed Siyaad

2000--2019

Gen Ismaaciil Qaasin Naaji

Gen Cabdi Axmed Guuleed

Gen Cabdullaahi Cali Cumar (Ina Libaax San Kataabte)

Gen Saalax Xasan Jaamac (Saalax Liif)

Gen Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere)

Gen Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal)

Gen Maxamed Geele Kaahiye

Gen Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini

Gen Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarse) (2-jeer)

Gen Maxamed Aadan Axmed (Gen Buud)

Gen Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) (2-jeer)

Gen Cabdiweli Jaamac ( Gorod).

 

Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Intan kuma koobna waa ay ka sii balaarantahay lkn waxaan ka soo qaadanay inta ugu muhiimsan Guuleysta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Fadlan Ilaali Xuquuqda Qoraaga.

W/D Tifaftiraha Guud Ee Warbaahinta C.C. Q. Sida.

Ustaad Omar Mohamad Kulmie (Omar British)

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip