Ciidamadda Amaanka oo M/Muqdisho kasoo qabtay Dhagar qabayaal katirsan Argagixisad

0
Tuesday March 19, 2019 - 22:25:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadda Amaanka oo M/Muqdisho kasoo qabtay Dhagar qabayaal katirsan Argagixisad

    Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen labo dhagar qabe oo ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Arxanka darran ee Alshabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen labo dhagar qabe oo ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Arxanka darran ee Alshabaab.

Mid kamid ah Labada dhagar qabe ee lasoo qabtay ayaa ka mid ahaa Maleeshiyaadka Kooxdaasi u qaabilsan dilalka Qorsheysan, waxaana uu ka qeyb qaatay, islamarkaana uu fududeeyey Seddex Qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho,kuwaasi oo lagu waxyeeleeyey dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dhagar qabaha  labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho ayaa isna sidoo kale Abaabulayey waxyaabo halis ku ah Nolosha Shacabka Soomaaliyeed iyo Nabad gelyada guud  ee dalka.

Ma jirto  waxyeelo ka dhalatay Howlgalka lagu qabtay Raggaan ka tirsan Kooxda Itaalka darran ee Alshabaab, waxaana Ciidamada ammaanka ay kordhiyeen baacsiga lagu hayo Argagixisada hadda Naflacaariga ah, si looga hor-taggo dhibaatada ay u geeystaan Shacabka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip