Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjogayaal sare oo ka tirsan Al-shabaab''Aqriso Magacyada''

0
Friday March 15, 2019 - 19:25:22 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjogayaal sare oo ka tirsan Al-shabaab''Aqriso Magacyada''

    Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degaanka xeebte ee Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degaanka xeebte ee Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.

Diyaaradaha Droneska Mareykanka ayaa gantaal ku dhuftay saldhig ay nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen degaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Danab ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen degaanka isla markaana ka fuliyay Howlgal qorsheysan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay  in howlgal qorsheysan lagu bur buriyay saldhigii nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha degaanka Jilib Marko.

Saraakiisha Danab waxa ay xaqiijiyeen howlgalka lagu dilay horjogayaal ka tirsan nabadiidka Al-shabaab kuwaasi oo xilal muhiim ah ka haayay Nabadiidka iyo ku dhawaad 22 dagalame oo ka tirsan Al-shabaab

Horjogayaasha  lagu dilay weerarka ayaa lagu kala magacabaa Abuu Yaasiin Sheikh Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka shabellada Hoose iyo Maxamuud Abuu Xamza ayaa la sheegay inuu dhawaan kasoo laabtay dalka Siiriya

Saraakiisha Danab waxa ay ugu dambeynti sheegeen in gacanta lagu soo dhigay Afar gadiid ay Al-shabaab ku diyaariyeen walxaha qaraxa kaasi oo nabadiidka Al-shabaab ay la damacsanayeen xasuuqa dadka shacabka  

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip