Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Sagootiyay Amb. David Concar "Sawirro"

0
Tuesday February 05, 2019 - 18:18:15 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Sagootiyay Amb. David Concar "Sawirro"

    –Ra'iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay safiirkii Ingiriiska ee Soomaaliya, David Concar oo dhamaystay xilli howleedkiisii Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

–Ra'iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay safiirkii Ingiriiska ee Soomaaliya, David Concar oo dhamaystay xilli howleedkiisii Soomaaliya.

Safiirka xilli hawleedkiisu dhammaaday ee Ingiriiska u qaabishanaa Soomaaliya, David Concar, ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre iyo guud ahaan madaxda dalka uga mahadceliyay hannaanka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intii uu ahaa safiirka iyo sida sharafta badan ee loo sagootiyay.

"Waxa aan kulan sagootin ah maanta Muqdisho ugu sameeyey danjire David Concar oo dhamaystay xilligii shaqo ee dalkeenna.”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre oo safiirka uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay xilligii uu dalka ka shaqaynayay, ayaa guddoonsiiyay haddiyado guddoonsiiyay safiir David Concar.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ethiopia ee Soomaaliya, jamaamulidiin Mustafa Cumar iyo Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya, Olgan Bakar.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip