Wariyeyaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn Diyaaradeed oo kadhacday Jubbooyinka.

0
Monday January 21, 2019 - 09:58:17 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyeyaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn Diyaaradeed oo kadhacday Jubbooyinka.

    Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubada Dhexe ayaa lagu burbiriyey Xaruntii Idaacadda Maleeshiyaadka Al Shabaab taas oo ku taalay Degmada Jilib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubada Dhexe ayaa lagu burbiriyey Xaruntii Idaacadda Maleeshiyaadka Al Shabaab taas oo ku taalay Degmada Jilib.

Duqeynta ayaa khasaaro lixaad leh gaar siisay Wariyeyaal ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab kuwaas xiliga duqeyntu dhacday ku sugnaa xarunta.

 

Taliyaha Qeeybta 43aad Ciidanka Xoogga Dalka G: Cali Maxamed Maxamuud (bogmadoow)

Ayaa warbaahinta Ciidamda Qalabka Sida uxaqiijiyay in duqeeyn lala beegsaday Idaacadda Andulus ee kuhadasha afka Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaana goobtaasi lagu dilay inkabadan 20 Maleeshiyaad ah.

 

Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay Duqeynta kadib haalkaas dusha kaga soo dageen kumaaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya kuwaas oo goobta ka sameeyey howlgal qorsheeysnaa.

 

Maleeshiyaadka Idaacada Al Shabaab ka hadlayey ee ladilay waxaa kamid ah Feysal Yare, Maxamed Aadan Nasrudiin, Cabdikariim Seyfulah iyo Xasan Cabdiraxmaan oo Gobolka Gado u qaabilsanaa kaas markii danbe Jubada dhexe u wareegay.

 

Idaacadan ayaa ka shaqeyneysay in Maleeshiyaadka Al Shabaab u adeegsadaan inay dadka ugu gudbiyaan Ficilada foosha xun oo ay sameeyaan, iyadoo sidoo kale muddo haatan laga joogo 4 Bilood duqeyn loo geystay ay sababtay inay muddo hawada ka maqnaanto.

 

Idaacadan ayaa waxaa ay hadba sidhuumaaleysi ah ugu shaqeyn jirtay Deeganada ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al Shabaab.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip