Taliyaha CXD oo ay wehliyaan Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta oo ka qeyb galay dhoolatus Ciidan''Sawirro''
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo ay wehliyaan Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage,Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta Soomaaliya ayaa ka qeyb galay dhoolatus Malatari oo ay sameynayeen Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka oo loo Carbiyay la dagaalanka Maleyshiyada Al-shabaab.
Ciidamada ayaa soo Bandhigay Dabrid iyo xirfado kale oo ku saabsan la dagaalanka Maleyshiyada Al-shabaab.
Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general Odowaa Yuusuf ayaa sheegay in Ciidankaan ay Mudo qadaanayeen tababar isla markaana loo carbiyay la dagaalanka Maleyshiyada Al-shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe waxa uu Tilmaamay in Mudo 28 sano ka dib ciidankaan ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee la Carbiyo waxaana loo carbiyay in ay dalkooda difaacaan ka hor inta ay dagaalka galin
Taliyaha CXD oo ay wehliyaan Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta oo ka qeyb galay dhoolatus Ciidan''Sawirro''
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo ay wehliyaan Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage,Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta Soomaaliya ayaa ka qeyb galay dhoolatus Malatari