Saldhigyo Tababar oo Al-shabaab ay ku tababarayeen Maleyshiyaadka oo lagu bur buriyay Howlgal iyo Horjogayaal Ajanib ah oo la Dilay.

0
Saturday January 12, 2019 - 21:33:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyo Tababar oo Al-shabaab ay ku tababarayeen Maleyshiyaadka oo lagu bur buriyay Howlgal iyo Horjogayaal Ajanib ah oo la Dilay.

    Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka Fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka Fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose.

Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Janaale ee G/Shabellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgalada si wadajir ah looga fuliyay Saldhigyo Nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka wada tirsan G/Shabellada Hoose.

Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada laga fuliyay Howlgalka lagu bartilmaameysaday Xubno sare oo ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.

Ku dhawaad 85 Maleyshiyaad iyo horjogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay weerarka Howlgalka Sida ay inoo sheegeen Saraakiisha Danaba

Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Idaacada Ciidamada qalabka Sida u sheegeen Magacyada Horjogayaasha lagu dilay weerarka iyo Dalalka ay u dhasheen.

Horjogayaasha lagu dilay weerarka Howlgalka ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Abuu Xamsa Bin Shaam kasoo jeeda dalka Masar kaasi oo Nabadiidka u qaabilsanaa Tababarada Maleyshiyada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo  heesta dhalashada dalka Tanzania , Abuu Bilaal Zubeyr ayaa heesta Dhalashada Monotariya  ayaa Hore u ahaa ku xigeenka Ibraahim Afgaan, Aadan Xaash Auu musiyaan kasoo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal Bin hayaan kasoo jeeda dalka Yaman.

Saraakiisha Danab ayaa ugu dambeynti sheegay in goobta weerarka laga fuliyay ay eheed Saldhigyo lagu tababaro Maleyshiyaad ka mid noqonaya Kooxda Al-shabaab




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip