General Indhaqarshe oo kormeeray Isbitaalka CXD oo ay ku jiraan Askar qaba dhaawacyo kala duwan''Sawirro''
General daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe taliyaha ciidanka xoogga dalka waxa uu mid mid u booqday qeybaha kala duwan ee isbitaalka xoogga dalka isagoona halkaasi uu kulamay Askar qabta dhaawacyo kala duwan
G/dhaxe Mahad cabdullahi nuur Madaxa hogaanka caafimaadka ee ciidanka xoogga dalka ayaa taliyaha ugu warbixiyay baahiyaha ka jira isbitaalka
Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S.Gaas Daahir Aadan Cilmi waxa uu sheegay in la dhisi doono isbitaalka weyn ee ciidamada xooga islamarkaan dhalinyarada soomaaliyeed loogu sameyn doono shaqo abuur taasi oo ay ka mid sida in taliska ciidanka xoogga dalka uu dhiiragalinayo dhalinyarada soomaaliyeed.
Dhinaca kale general Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe waxa kale uu kormaar uu ku tagay xarunta Villa Beydhabo qeybta Saadka ee ciidanka xooga dalka waxaana salaan sharaf uu ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka sidoo kale warbixin ka dhageystay taliyaha hogaanka saadka ciidanka xooga dalka sareeyo guuto Maxamed Maxamuud Xuseen
General Indhaqarshe oo kormeeray Isbitaalka CXD oo ay ku jiraan Askar qaba dhaawacyo kala duwan''Sawirro''
Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa manta kormeer shaqo ku tagay Isbitaalka ciidanka xoogga dalka iyo hogaanka Saadka ciidanka xoogga dalka.