Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay dhagarqabayaal dilal ka fuliya gudaha magaalada Muqdisho.

0
Friday August 24, 2018 - 20:27:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay dhagarqabayaal dilal ka fuliya gudaha magaalada Muqdisho.

    Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay labo dhagar-qabe oo ka tirsan Argagixisada Alshabaab. sida uu sheegay Taliska NISA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay labo dhagar-qabe oo ka tirsan Argagixisada Alshabaab. sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu dhacay habeen hore Kaas oo ahaa mid lagu sugayay Nabad-galyada Shacabka, Islamarkaana ay Ciidanka amniga gacanta ku soo dhigeen labadaasi dhagarqabe.

 

"Habeynimada 23ka Agoosto, ciidanka Nabadgelyada Dowlada Federaalka ah ayaa Degmada Wadajir waxay howlgal kusoo qabteen labo shakhsi oo argagaxisada Alshabab ah. Howlgalkaan oo lagu sugayay nabadgelyada dadwaynaha soomaaliyeed,  cidna wax kuma noqon.”ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay NISA”

 

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleestay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip