Abaanduullaha CXD oo kulan dhiiragalin ah la qaatay Saraakiisha ciidamada ururka 60Aad ee Ilaalada Madaxtoyada Qaranka'Sawirro'
S/Guuto Odowaa yuusuf raage Abaanduullaha Ciidanka xoogga dalka ayaa intii uu socday kulanka uu la yeeshay ciidanka ilaalada madaxtooyada qaranka waxa uu ka dhageystay talooyin ay soo jeediyeen Saraakiisha .
Waxa sidoo kale goobta ka hadlay sii haayaha xilka taliyaha Ururka Ilaalada Madaxtooyada Soomaliya dhamme Dayax Cabdi Cabdulle oo Ciidanka ciidanka kula dar-daarmay in ay gudtaan waajibka qaran ee saaran.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka waxa uu uga mahadceliyey qaabkii wanaagsanaa oo ay ula soo shaqeyeen mudadii uu ahaa taliyaha madaxtooyada soomaliya.
Ugu dambeyn Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed genaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka Ilaalada madaxtooyada qaranka kula dar-daarmay in ay si wanaagsan ula shaqeyaan madaxda ururka 60-Aad.
Abaanduullaha CXD oo kulan dhiiragalin ah la qaatay Saraakiisha ciidamada ururka 60Aad ee Ilaalada Madaxtoyada Qaranka'Sawirro'
Abaandullaha Ciidanka xoogga dalka general Odowaa yuusuf raage ayaa kulan dhiiragalin ah la qaatay saraakiisha saraakiil xigeenada Alifleyda iyo dableyda ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 60Aad ee Ilaalada Madaxtoyada Qaranka.