Gudoomiyaha G/Shabellaha hoose oo sheegay in gudaha degmada Marko laga soo saaray Miinooyin.

0
Sunday August 19, 2018 - 20:24:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha G/Shabellaha hoose oo sheegay in gudaha degmada Marko laga soo saaray Miinooyin.

    Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa la wareegay degmada Marko ka dib markii ay Al-shabaab ay ka carareen gudaha magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ayaa la wareegay degmada Marko ka dib markii ay Al-shabaab ay ka carareen gudaha magaalada.

Gudoomiyaha gobolka Shabellaha hoose Maxamed Ibraahim Bare oo la hadlay idaacada ciidamada qalabka ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay si buuxda ula wareegeen magaalada Marko

 

Gudoomiye Maxamed Ibraahim Bare waxa uu sidoo kale sheegay in maleyshiyada Al-shabaab ay gudaha magaalada ay ku Aaseen walxaha qaraxa isla markaana ay ciidamada xoogga dalka ay kasoo saareen qaraxyada ay nabadiidka ku Aaseen gudaha magaalada

 

Maamulka gobolka shabellaha hoose ayuu sheegay in ay wadaan qorshaha lagu xaqiijinayo Amniga degmada iyo kan shacabka gobolka shabellaha hoose.

 

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka shabellaha hoose ayaa waxaa uu sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay shabellaha hoose Al-shabaab looga guuleestay isla markaana degaano badan laga saaray Nabadiidka Al-shabaab

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip