Taliyaha CXD oo ciidamo loo diyaariyay howlgal kala hadlay in aysan ku kicin bililiqo''Sawirro''
Ciidanka uu general C/wali jaamac xuseen gorod uu kula hadlay xerada general gordan ayaa ka mid ah ciidanka 14’octobar ee xoogga dalka kuwaasi oo in mudo ah tababar ku qaadanayay gudaha magaalada muqdisho.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas C/wali jaamac xuseen waxa uu ciidamada kula dar daarmay in ay si wanaagsan ay u fuliyaan howlgalada ka dhan ah oo Al-shabaab isla markaasine lagu furayo wadooyinka isku xera labada shabelle
General gorod taliyaha ayaa faray ciidamada inta ay ku guda jiraan howlgalada in aysan ku dhaqmi Karin biliqo iyo isbaaro isla markaana ciidamada looga baahan yahay in ay la dagalamaan nabadiidka
Shacabka ku dhaqan goobaha cadowga laga xureeyo ayuu sheegay taliye gorod in ciidamada ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka
Ciidanka guutada 14 octobar ayaa ka mid ah dhalinyaradii ka mid noqday ciidamada ka dib qaraxii 14 octobar sanadkii 2017 ka dhacay isgooska Zoobe ee magaalada muqdisho.
Taliyaha CXD oo ciidamo loo diyaariyay howlgal kala hadlay in aysan ku kicin bililiqo''Sawirro''
Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa kormeeray dugsiga tababarka general gordan halkaasi oo lagu diyaariyay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qeyb qaadanayo howlgalka la isku furayo