
Ciidamada xoogga dalka oo Al-shabaab ka xureeyay Buundada Araare
Buundada Araare ee G/Jubbada Hoose ayaa Nabadiidka Al-shabaab waxa ay halkaasi u eheed goob Nabadiidka Al-shabaab ay ku qaadaan lacagaha baada ah ee kooxdu ka qaado shacab isticmaalo buundada Araare.
Taliyaha ururka 58Aad ee guutada 11Aad ee ciidanka xoogga dalka G/dhaxe Cabdi
ibraahim Cali oo la hadlay Idaacada ciidamada qalabka ayaa sheegay in galabta
nabadiidka Al-shabaab laga xureeyay buundada Araare ee G/Jubbada Hoose oo u
eheed goob ay ku qaadaan lacagaha baada ah.
G/dhaxe Cabdi ibraahim Cali waxa uu
xaqiijhiyay in dagaalka nabadiidka Al-shabaab looga dilay 7 Maleyshiyaad ah
isla markaasine ay ciidamadu ka furteen hubkii ay wadteen Maleyshiyaadkaasi .
Sidoo kale ciidamada xoogga dalka ayaa
nolosha ku qabatay labo dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay
dagaalkii buundada Araare ee G/Jubbada Hoose.
Buundada Araare ayaa 7km u jirta degmada jamaame ee G/Jubbada
waxayna ciidamada xoogga dalka ayaa sidoo kale u ruqaansade degmada jamaame oo
xarun u ah nabadiidka Al-shabaab


0 

Ciidamada xoogga dalka oo Al-shabaab ka xureeyay Buundada Araare
Ka dib howlgalo qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen degaanada jubboyinka waxa ay ku guuleesteen xureeynta buundada Araare ee G/Jubbada Hoose.