Sarkaal hore u dilay ka tirsan CXD oo lagu Xukumay Dil Toogasho'''Sawirro'''

0
Wednesday June 20, 2018 - 17:34:59 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal hore u dilay ka tirsan CXD oo lagu Xukumay Dil Toogasho'''Sawirro'''

    Muqdisho(SNARADIO)Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada hor keenay dacwad ka dhan ah Xidigle Xoogga Dalka Mowliid Cali Cabdi oo dil bareer ah u geystay Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen Urur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(SNARADIO)Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada hor keenay dacwad ka dhan ah Xidigle Xoogga Dalka Mowliid Cali Cabdi oo dil bareer ah u geystay Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen Urur ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigay Cadeymihii laga qoray eedeysanaha, warqadda dhimashada marxuumka ay qolyaha caafimaadka ku cadeeyeen dhimashada, qorigii lagu dilay iyo laba askari oo goob joog u ahaa falkaasi.

Intaas kedib ayaa waxaa doodda qaatay Qareenkii difaacayay eedeysanaha, waxa uuna maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha dambiga geystay uu difaacayay naftiisa isagoo qiil kaga dhigay in uu ka da’weynaa, balse ay ka xun yihiin wixii dhacay oo dil ah taa bedelkaadna ay diyaar la yihiin Diyada Marxuumka.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo eegaya  Eedda Xeer Ilaalinta, Cadeymaha Warqadaha Dhimashada, Markaatiyaasha, Qorigii lagu dilay Marxuumka iyo Qiraalka uu ka hor cadeeyay Maxkamadda aya go’aan ku gaareen In Mowliid Cali Cabdi uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil-Toogasha ah  oo ah Qisaasta Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen iyadoo sidoo kale ka xayuubisay Darjadii Ciidan uu lahaa, Sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dambiilaha dil ka geystay waxaa u furan rafcaan oo u qaadan karo Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip