
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo la wareegtay Maamulka Maaliyadda dakhliga Wasaaradda Waxbarashada.
Ku simaha Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ahna Wasiiru Dowlaha, Mudane, Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Prof; Cabdullahi Sheekh Cali (Qalloocoow) ayaa Maanta la kulmay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya iyo Howlwadeennada kale ee Wasaaradda.
Gorfayn iyo wada xaajood dheer ka dib waxay Labada dhinac isla garteen inay Wasaaradda maaliyaddu la wareegto maamulka dakhliga ay soo uruuriso wasaaradda Waxbarashada,tasoo si toos ah ugu dhici doonta Bangiga dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa salka ku haysa go’aankii ka soo baxay Shir uu Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre la qaatay Wasaarahada iyo Hey’adaha Dowladda ee dakhliga uruuriya, go’aankaasoo ahaa in dhammaan wixii dakhli ah ay maamusho Wasaaradda Maaliyadda.
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo la wareegtay Maamulka Maaliyadda dakhliga Wasaaradda Waxbarashada.
Wasaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay Wasaaradda Maaliyadda ku wareejisay Maamulka dakhliga ay soo uruuriso Wasaarada waxbarashada.