Maamulka Idaacada Ciidamada oo shacabka muslimiinta ugu hambalyeysay curashada bisha Ramadaan

0
Wednesday May 16, 2018 - 19:54:56 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Idaacada Ciidamada oo shacabka muslimiinta ugu hambalyeysay curashada bisha Ramadaan

    Idaacadda Ciidamada qalabka sida waxay guud ahaan ummadda muslimiinta ah gaar ahaan ummada soomaaliyeed ugu hambalyaynaysaa curashada bisha barakaysan ee Ramadaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacadda Ciidamada qalabka sida waxay guud ahaan ummadda muslimiinta ah gaar ahaan ummada soomaaliyeed ugu hambalyaynaysaa curashada bisha barakaysan ee Ramadaan,

Idaacada ciidamada qalabka sida waxay ummadda muslimiinta ah u rajaynaysaa in uu ilaahay bishan inooga dhigo mid aynu ku dhamaysano nabadgalyo, cibaado suuban iyo akhlaaq wanaagsan, Ilaahay ha inooga dhigo bil sabab inoogu noqota in naarta la inooga xoreeyo isla markaana uu ilaahay inoogu waajiyo janooyinkiisa naxariista leh ee aan dhamaadka lahayn.

Farxad wayn ayay noo tahay in aanu idinla wadaagno hambalyada curashada bisha barakaysan ee ramadaan, waxaan sidoo kale rajaynaynaa in ilaahay caafimaad qab iyo cibaado dhamaystiran uu inagu gaarsiiyo ciida oo ah farxada xigta ee kadib gudashada waajibaadka soonka bisha Ramadaan.

Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha waxay idin leeyihiin Hambalyo, dhamaantiin meel kasta oo aad aduunka dacaladiisa ka joogtaan, kulu caam wa antum bilkhayr.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip