Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta la caleemasaaray

0
Thursday May 10, 2018 - 17:14:17 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta la caleemasaaray

    Xafladda oo aheyd Caleema saarka Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ,waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha jamuuriyada Fadaralka Soomaaliya Mudane Maxamed cabdullahi farmaajo reysal w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafladda oo aheyd Caleema saarka Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ,waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha jamuuriyada Fadaralka Soomaaliya Mudane Maxamed cabdullahi farmaajo reysal wasaaraha dalka Xasan cali khayre iyo marti sharaf kale oo lagu marti qaaday Xaflada.
Ugu horeyntii Munaasabada ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamanka soomaaliya Mudane Cabdi wali sheikh ibraahin muudeey waxa uuna sheegay in gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka soomaaliya Maxamed mursal sheikh c/raxmaan uu ka rajeynayo inuu la imaado qorshayaal lagu hormarinayo baarlamaanka golaha shacabka

Madaxweynayaasha maamulada galmudug iyo hirshabelle ayaa munaasabada ka sheegay in ay shaqeyn doonaan Hogaanka cusub ee baarlamaanka soomaaliya


Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yaariisow oo marti sharafta xaflada ka qeyb gashay kusoo dhoweeyay Caasimadda Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa u sheegay Baarlamaanka Dalka in Shacabka waxqabad dhab ah ay ka sugayaan.

Ergayga midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya, ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arimaha SOomaaliya, safiiro iyo diplomaasiyiinta dalalka deriska ah iyo kuwa saaxiibka la ah Soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka ayaa ka qeyb galay Xaflada caleemasaarka Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Safiirka dawladda Eithiopia ee Soomaaliya Danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar iyo Safiirka Dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar, ayaa sidoo kale hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip