
Wax ka baro Taariikhda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
Waxa
uu waxbarashadiisa aas aasiga ku soo qaatay Magaalada Baydhabo, waxa uuna ka
baxay dugsiga sare ee Sheekh Aweys oo ku yaalla Baydhabo.
Gudoomiyaha
Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed mursal sheikh C/raxmaan Waxa uu
waxbarashadiisa heerka Jaamacada ku soo qaatay Magaalada Sanca ee dalka Yamen.
Waxa
uu shahaadooyin Jaamacadeed ka heystaa Cilmiga arrimaha Bulshada, Xiriirka
Caalamiga iyo diblomaasiyada.
Arrmaha beni aadanimada.
Sanadkii
2000 wixii ka dambeeyay waxaa uu ku howlanaa arrimaha banii’aadnimada iyo garab
istaaga dadka danyarta ah.
waxyaabaha
uu qabtay waxaa ka mid ahaa waxa uu aas aasay.
1.Wabiyow
Community development association.
2.Alqamar
Tecknology Center ayuu Magaalada Baydhabo ka aas aasay oo ahayd markii ugu
horeysay oo magaalada Baydhabo laga hirgeliyo dadka reer baydhabana baray
Technology-yada.
3.
waxa uu dayactir ku sameeyay biyo mareen-ka iyo tubooyinka Baydhabo.
4.
Biyo dhaamin iyo biyo gelin ayuu ka sameeyay qeybo badan oo Magaalada Baydhabo
ka mid ah.
Xilalka uu soo qabtay.
1993
ilaa 1995 Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Baydhabo.
2009
ilaa 2011 Wasiirka Hantida Qaranka iyo Qalabeynta.
2009
ilaa 2011 Xildhibaan Qaran dowladdii TFG.
2012
ilaa 2015 Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga.
2016
Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.
2016
Xildhibaan Qaran ilaa hada.
2017
ilaa 2018 Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.
Gudoomiyaha
Baarlamaanka soomaaliya Maxamed Mursal
waxa uu dalka gudihiisa iyo dibadiisa kaga qeyb galay Shirar, Tababaro iyo
aqoon kororsi.
Wax ka baro Taariikhda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan waxa uu ku dhashay Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, sanadku markuu ahaa 1957.