
Diinta maxay ka qabtaa Fikirka UGUS ay heystaan ee Xagjirnimada, goormeysa soo ifbaxday? "AKHIRISO"
Waxaan ka hadli doonaa xagjirnimadda nooceeda diimeed iyo khatarta ay ku hayso ummada, Waxaan ifindoonaa Rabbi idankiis astaamaha ay xagjirnimaddu leedahay iyo waxa lagu garto qofka xagjirka ah.
Xagjirnimaddu waxay weligeed ahayd cudur soo jireen ah oo sabab u noqda in Ummado rogmaan, Waxaan shaki ku jirin in Ummadda Soomaaliyeed la soo daristay xagjirnamadu ayna saldhig u tahay dhiiga xurmadda leh ee sida aan kala go’a hayn u daadanayaan Kooxda Argagixisada ah ee UGUS.
Xagjirnadu waxay gaartey baarkeedi ugu sareeyay mar haddii maanta la ugaarsanayo Culimadii iyo biri ma geydadii, isla markaasna loo arko in daadashada dhiiga xurmada leh lagu gaarayo raali ahaanshada Rabbi iyo shahiidnimo!Waxaa maanta gabad iyo gumaad ku jira nin door oo dhan hadday yihiin culimo diineed, aqoon yahan wax ku ool ah, oday dhaqameed iyo weli qofkasta oo waxtar u yeelan kara mustaqbalka ummadda.
Xagjirnadu waxay soo ifbaxday markii Nebi Muxammad (naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) lagu tuhmay in uusan caddaalad samayn! Waa yaabe haddii uusan Nebigii Rabbi soo dirsaday ee risaalada lagu aaminay uusan cadaalad sameyn yaa laga sugayaa in uu cadaalad sameeyo.
Xagjirnadu waxay soo bilaabantay markii Cali Ibnu Abii Daalib – oo ka mid ahaa khulafadii hanuunsanayd ahaana qof dhalin yaro ah ee Islaam qaata qofkii ugu horeeyay isaga oo noolna Janno iyo Rabbi raali ahaanshihiis loogu bishaareeyey – loo dilay in lagu Janno tago oo dhiigiiisa Rabbi loogu dhowaado (maxaa maanta shaley uga eg!).
Xagjirnamadu Wadanka Soomaaliya waxa si bareer ah uga soo ifbaxday markii Kooxda Arxan laaweyaasha ah ay dhiiga Culimada iyo dadka diinta fidinteeda ku cireystay si aan gabasho la hayn ay u daadiyeen, iyaggoo ku andacoonaya in lagu Janno tegayo.
Xagjirnadda iyo khatarta ay leedahay Qur’aanka iyo Axaadiista Nebbiguba aad ayay uga hadleen, waxaana laga qoray kutub aad u fara badan si ummada looga badbaadiyo cudurkaan wax-ma reebaha ah.
Nusuus badan ayaa kusoo arooray xagjirnimada, waxaanse hordhacaan kooban kusoo qaadanaynaa qeyb ka mid ah.
Rabbi isaga oo la hadlaya reer banii Israa’iil ayuu ku yiri: "Kuwa kitaabka la siiyeyow, ha ku dhicinnina xagjirnimo diimeed” (Nisaa, 171).
Xaddiis saxiix ah wuxuu Nebigeenu ku yiri (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha haatee): "War iska jira xagjirnimadda diimeed, maxaa yeelay ummadihii hore waxay ku haligmeen xagjirnimo diimeey” (Saxiix Jaamic Sagiir, xadiis # 2680).
Ibnu Mascuud (Rabbi ha ka raali noqdee) wuxuu Nebiga (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato) ka weriyey in uu yiri: "Waa halaagsameen xagjirku, waa halaagsameen xagjirku, waa halaagsameen xagjirku” (Saxiix Muslim) – Saddex jeer ayuu Nebbigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ku cel-celiyey khatarta ay leedahay xagjirnimadu darteed.
Waa maxay Xagjirnimadu?
Xagjirnimo: waxaa lagu qeexaa in shay laga qabsado daaftiisa u shisheysa, ama looga baxo darafta ugu fog.
Xagjirnaddu waxay la macno tahay xad-gudub oo ah in qofku uu talaabo soohdinata la ogolyahay, Waxaa lid u ah dhex-dhexaadnimada oo ah in qofku ku ekaado xuduuda ama soohdinta sharciga ah oo uusan ka gaabin ama uusan talaabin sida Nebigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) u yiri: "Rabbi wuxuu idinka rabaa waajibaad ee ha dayicinnina, wuxuuna idiin xadeeyey xuduud ee ha gudbinina” (Bukhaari iyo Muslim) Xagjirnamadu waxay leedahay labo daraf.
Daraf waa in qofku ka gaabiyo ama ku gabood falo in uu la yimaado waajibaadkii la iska rabay, waxaana loo yaqaan "Tasaahul”, Darafka kale waa in uu qofku la yimaado wax ka baxsan xadkii loo baahnaa, waxaana loo yaqaan "Tashadud”.
Noocaan dambe waa kan caanka ku ah xagjirnada, isla markaasna ah cudurka halista ah ee umaduhu la idlaadaan, waxaana dhaqankaan lagu yaqaan Maleeshiyada UGUS Ex Alshabaab oo diinta Islaamka ka been sheegtay.
Kooxo badan oo xagjir ah ayaa dagaallo kula jira qaar ka mid ah dowladaha muslimiinta ee caalamka.
Meelo badan ayey kooxahaani ka wadaan dagaal ay ku sheegayaan inuu jihaad yahay laakin ay kula jiraan dad muslimiin ah iyo dowladahooda.
Kooxahaas waxaa ka mid ah UGUS Ex Al-Shabaab oo Soomaaliya ka wadda dagaal ay dad badani ku dhinteen, ka sokoow dagaalka, kooxdani waxay ficillo diinta Islaamka ka fog, sida ay dadka lagu dhex dilo masaajidda iyo in qof ashahaadanayo la gowraco.
Sidoo kale, Kooxda ISIS ayaa dagaallo ka wadda Ciraaq iyo Suuriya, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dad badan oo aan waxba galabsan, dagaallada waxay kula jiraan dowladaha waddamadaasi.
Dhammaan kooxahani waxay sheegaan inay "Jihaad” ku jiraan, ayagoo dowladaha ka jira dalalkaana gaaleysiiya.
Waxay qarxiyaan masaajidda, Suuqyada,iskuullada,Jaamacadaha iyo goobaha ay dadka raryidka ahi isugu yimaadaan, Waxay si fool xun u dilaan dadka aan ku qanacsaneyn afkaartooda iyo dhaqankooda, iyagoo gaalo ku tilmaamaya.
Kooxaha xag jirka ahi ma lahan meel ay ku negaadaan ee waa ay duul duulaan.
Tusaale ahaan maleeshiyada Alshabaab waxay horay uga fallaagowday maxkamadihii islaamiga ahaa, ka dibna waxay ku biirtay Alqaacidda, haddana waxa ay ku kala qeybsan yihiin ku biirista Daacish.
la soco qeybaha kale ee Warbixintaan oo tixane inoo ahaan doona.


0 

Diinta maxay ka qabtaa Fikirka UGUS ay heystaan ee Xagjirnimada, goormeysa soo ifbaxday? "AKHIRISO"
Waxaan qormadaan kooban ku qaadaa dhigi doonaa haddii Rabbi idmo mowduuc aad u muhiim ah saldhigna u ah dhibaatada guuntay ee raggaadisay ummadda Soomaaliyeed laga soo bilaabo markii ay ka xoreebeen isticmaarkii na gumeeyey wixii ka horeeyey lixdamee