
"AKHRISO" Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo la Magacaabay
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod, ayaa Magacaabay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Qeybta 27-aad, waxaana loo Magacaabay S/Guuto Maxamuud Maxamed Macalin Koronto oo horay u ahaa Taliyaha Qeybta 12-ka April Ee Ciidamada Xoogga Dalka.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo lasoo gaarsiiyey Idaacadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa Lagu Magacaabay S/Guuto Maxamuud Maxamed Macalin Koronto.
Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ah qeyb Cusub, waxaana ay ka howl gali doontaa Deegaanada Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.
"AKHRISO" Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo la Magacaabay