
Deg Deg Maxkamada Ciidamada qalabka Sida oo Xukuno dil iyo Xabsi ah ah ku Riday Rag qaraxyo ka Fuliyay Muqdisho''Dhageyso''
Raga ay maanta Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay xukunka ku riday ayaa waxaa lagu magacabaa C/khaadir Abuukar Shaacir waxaa si gaar ah loogu eedeyay inuu ka dambeeyay sadax qarax oo ka dhacay maqaayado ku yaala wada maka al’mukarama kuwaas oo kala ah Maqaayad kasoo horjeeda hotel wehliye 13-03-2017 sidoo kale maqaayad kasoo horjeeda wasaarada isboortiga 05-4-2017 iyo Baar itaaliya 08-05-2017
Sidoo kale ciidamada amniga ayaa
gacanta ku dhigay eedeesane c/khadir iyo eedeesanaha labaad Maxamed cumar akiile
oo wada gaari kale oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa 15-05-2017
Maxamed cumar Akiile waxaa si
gaar ah loogu soo eedeyay inuu ka tirsan yahay maleyshiyada Al-shabaab isagoona
xiliga lasoo qabanayay uu waday gaarii ku qarxay degmada xamar weyne gaar ahaan eeneyada Taarkhdu marka ay eheed 15-05-2017
Dauud maxamed cali ayaa la
sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab isla markaasna u qaabilsanaa faafida dacayada al-shabaab waxayna maxakamda
ciidamada ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah
Deg Deg Maxkamada Ciidamada qalabka Sida oo Xukuno dil iyo Xabsi ah ah ku Riday Rag qaraxyo ka Fuliyay Muqdisho''Dhageyso''
Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday rag ka tirsan al-shabaab kuwaasi oo qaraxyo ka geestay maqaayado ku yaala muqdisho