Horjoogihii u hadli jiray Al-shabaab iyo 12 Maleyshiyaad oo Baxsad ka ah Nabadiidka Al-shabaab

0
Saturday December 02, 2017 - 21:31:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 9357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Horjoogihii u hadli jiray Al-shabaab iyo 12 Maleyshiyaad oo Baxsad ka ah Nabadiidka Al-shabaab

    Horjooge Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo ka mid ah Horjoogayaasha Sare Kooxda Nabadiidka Al-shabaab iyo 12 Maleyshiyaad uu wadto ayaa Baxsad ka ah Nabadiidka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horjooge Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo ka mid ah Horjoogayaasha Sare Kooxda Nabadiidka Al-shabaab iyo 12 Maleyshiyaad uu wadto ayaa Baxsad ka ah Nabadiidka

Horjogahaan Baxsadka ka ah Nabadiidka Al-shabaab ayaa u qaabilsanaa warbaahinta isagoona gudbin jiray dacayadaha iyo been abuurka kooxda Al-shabaab,

 

Cabdi Caziiz Abuu’Muscab waxa uu xalay gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud waxaana la sheegay in ay la socdeen 12 maleyshiyaad ah oo ilaalo u ah Horjooge Cabdi Caziiz Abuu’Muscab

 

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ahlusuna iyo kuwa xoogga dalka soomaaliya ee ka howlgala bariga gobolka galgaduud ayaa Idaacada Ciidamada qalabka sida u xaqiijiyay in xalay saqdi dhaxe uu degmada Caabudwaaq uu soo gaaray horjogahii kooxda Nabadiidka Al-shabaab u qaabilsanaa warbaahinta kasoo lagu magacabo Horjooge Cabdi Caziiz Abuu’Muscab

 

 Saraakiisha ayaa xusay in Cabdi Caziiz Abuu’Muscab uu wado qorshe uu dowlada soomaaliya uu isugu dhiibayo

 

Baxsadka Cabdi Caziiz Abuu’Muscab waxaa lagu tilmaamay in Al-shabaab ay dhabar jab xoogan ay ku tahay maadama gobolada dalka soomaaliya ay ka socdaan duqeymo ay fulinayaan ciidamada wadanka mareykanka iyo kuwa kumaandooska soomaaliya

Dadka ku dhaqan degmada Caabudwaaq oo arkay ayaa idaacada ciidamada qalabka sida waxay u sheegeen horjooge Cabdi Caziiz Abuu’Muscab in horjogahaan uu wadto 12 maleyshiyaad ah isla markaasine uu maanta kulumo uu la qaatay dadka ku nool degmada Caabudwaaq

 

Saraakiil ka Tirsan ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Mareykanka waxa ay xaqijiyeen in weerada tooska ah iyo duqeymaha laga fulinayo goobaha nabadiidka Alshabaab ka joogaan soomaaliya ay horjogayaasha iyo maleyshiyaadka ku noqotay dhabar jab xoogan ayna banaanka usoo bixi doonaan horjogayaasha al-shabaab

 

Kooxda al-shabaab ayaa la tilmaamay in ay dareemayaa cabsi kaga imaaneysa weerada iyo duqeymaha tooska ah oo laga fulinayo goobaha ay ka joogaan soomaaliya

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip