Taariikh Nololedkii Allah U Naxariistee Gen Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis.

0
Saturday November 18, 2017 - 16:56:27 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololedkii Allah U Naxariistee Gen Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis.

    Gen C/raxmaan Khaliif Dhicis waxa uu ku dhashay agaagaarka Degmada Dig ee Gobolka Jaraareed ee dhulka ismaamulka soomaalida Sanadkii 1938-kii waxa uu quraanka kariimka ku bartay isla deegaanka, isaga oo dhalinyaro ah ayuu tegay Xamar .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gen C/raxmaan Khaliif Dhicis waxa uu ku dhashay agaagaarka Degmada Dig ee Gobolka Jaraareed ee dhulka ismaamulka soomaalida Sanadkii 1938-kii waxa uu quraanka kariimka ku bartay isla deegaanka, isaga oo dhalinyaro ah ayuu tegay Xamar .

Wuxuu halkaasi ka sii watay waxbarashadiisi muddo badan ka dib Sanadkii 1958-kii waxa uu u baqoolay dalka Masar isagoo sii marey dalka Suudaan .

 

Dalka Masar wuxu ka galay dugsi sare. Markii uu ka qalan jabiyay ka dib waxa uu nasiib u helay inuu ku biiro Kulliyadda Dagaalka ee Dalka Ciraaq Sanadkii 1961-kii  Sanadkii 1963-kii waxa uu noqday sarkaal Dalka ayuuna dib ugu soo laabtay waxa uuna ka mid noqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Gen C/raxmaan Khaliif Dhicis marka laga soo bilaabo xilaga uu XDS ku biiray, wuxu ka soo shaqeeyay oo u soo qabtay xilal badan oo kala duwan, haddaan soo qaadano ciidanka wuxuu ka soo bilaabay Taliye Horin, Taliye Urur, taliye Guuto. Sidoo kale wuxuu noqday Taliye Gaas iyo Taliye Qayb, taasoo ku tusaysa waayo-aragnimadiisa ciidan. Wuxuu kale oo uu noqday Gudoomiye Degmo, iyo Gudoomiye gobol.

 

Sanadkii 1975-kiiwaxaa loo soo badalay Kulliyadda Ciidamada Jaalle Siyaad waxa uu qabtay xilka  Taliye ku xigeenka abaanduulka Sanadkii 1976-kii waxaa loo magcaabay Taliyaha Kulliyada Ciidamada Jaalle Siyaad isagoo darajadiisu ay ahayd G/Sare.

 

Sanadkii 1980-kii waxa loo magacaabay Taliyaha Gaaska 7aad ee Xudur, hal sano kadib waxa mar laabaad dib loogu soo magacaabay Taliyaha Kulliyada Ciidamada Jaalle Siyaad.

 

Sanadkii 1984 -1985-kii  waxa uu ka mid ahaa saraakiil sare oo  nasiib u helay in tababar loogu diro dalka dibaddiisa  gaar ahaan Akaademiyada Sare ee Istraateejiyada iyo Cilmi Barista ee Dalka Masar.

 

Gen C/raxmaan Khaliif Dhicis Sanadkii 1987-kii ilaa iyo Sanadkii 1989-kii waxa uu Taliye Qeybeed ka ahaa  Taliyaha Qaybta 21aad ee CXDS.

 

Sanadkii 1989-kii  ilaa iyo Sanadkii 1991-kii waxa uu ahaa Madaxa Hoggaanka Guud Ee Sahanka iyo Naba-galyada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Burburki ka dib wuxu ku noola Dalka CanadaDhowr jeer ayuu booqashu u yimid Ismaamulka Soomaali-Galbeed oo uu kaalin muhiim ah ka qaatay dhismaha horumarka iyo nabadgalyada ismaamulka soomaalida.  

 

Gen Abdiraxmaan Khaliif Dhicis waxa uu ka mid noqday masuuliyiin iyo dad shacab ah oo lagu xasuuqay 28/10/2017 Hotel-ka Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

 

Samir iyo iimaan Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed haka siiyo gaar ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Naxariiste jano allahaa ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

 

W/Qoray Oo Soo Diyaariyay

Ustaad Omar Mohamad Kulmie

Omar British




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip