Taariikh Nololeedkii Allahaa Unaxariiste Generaal Maxamed Rooble Goobaale

0
Saturday November 18, 2017 - 16:52:28 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 6587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedkii Allahaa Unaxariiste Generaal Maxamed Rooble Goobaale

    Allahaa u naxariistee Generaal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale waxaa uu ku dhashay degmada Xarardheere ee gobalka Mudug Sanadkii 1956di wuxuuna isla halkaasi ka galay dugsigii quraanka kariimka oo uu ku dhamaystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allahaa u naxariistee Generaal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale waxaa uu ku dhashay degmada Xarardheere ee gobalka Mudug Sanadkii 1956di wuxuuna isla halkaasi ka galay dugsigii quraanka kariimka oo uu ku dhamaystay.

Isla gobalka Mudug ayuu marxuub Generaal Goobaale ku dhamaystay dugsiga hoose dhexe,kadibna wuxuu usoo wareegay gobalka shabeelada hoose gaar ahaan degmada Sablaale halkaasoo uu kaga baxay dugsiga Sare taariikhdu markii ay ahayd 1975Ii.

 

Allahaa u naxariiste Generaal Goobaale waxaa uu sanadkii 1976dii uu ka mid noqday Ciidamada Xoogga Dalka wuxuuna tababarkiisa ciidanimo ku qaatay dugsiga Hiilweyne ee gobalka Shabeelada dhexe.

 

Markii uu dhameystay tababarka dhinaca ciidanka waxaa uu shaqadiisi ugu horeysay ka bilaabay Qayta 26 aad ee Ciidamada X.D.S sanadkii 1977dii.

 

Generaalka waxa uu isla xilligaasi ka mid noqday askar soomaaliyeed oo ka qeyb galay calansaarkii xornimada dalka Jabuuti taariikhdu markii ay ahayd 27/6/1977.

Isla sanadkaasi ayaa waxaa Marxuum Goobaale uu ka mid ahaa askartii loo diray dagaalkii Itoobiya iyo Somaliya isagoona ka dagaalamay aaga magaalada Dirirdhaba ee dhulka somalida Itoobiya waxaana uu halkaasi ku qaatay darajada Xidigle iyo waliba Bilad geesi.

 

Kadib markii laga soo laabtay Dagaalkii 1977-kiiwaxaa Marxuum Goobaale uu dib ugu noqday Qeybtii 26aad ee uu ka tirsanaa waxaana loo dhiibay qaybta saadka ee ciidamada.

 

Sanadkii 1981 Generaal Goobaale waxaa loo diray koorso ciidan oo uu ka galay kuliyada Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho wuxuuna hakaasi ku qaatay xidigtiisi labaad.

 

Marxuum goobaale waxaa uu dib ugu noqday qaybtii uu ka tirsanaa isagoo ahaa sarkaal firfircoon oo si aad ah ay u jeclaayeen askartii iyo saraakiishi uu la shaqeyn jiray.

 

Sanadkii 1983 waxaa uu qaatay xidigtiisi saddexaad wuxuuna noqtay Dhamme ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Somaliya.

Sanadkii 1985 waxaa loo diray koorso ciidan oo uu ka galay dalka Masar wuxuuna koorsadaasi kadib oo ku soo laabtay dalka  Sanadkii 1986 dii ayuu qaatay darajada Gaashaanle.

Sanadkii 1989 waxaa uu qaatay darajada Gaashaanle dhexe,kadib burburkii dowladii dhexe ee somaaliya.

Sanadkii 1999 wuxuu noqday taliyihii ciidamada ee maamulka isbaheysiga dooxada jubba,sanadkii 2002 ayaa waxaa Goobaale loo dalac siiyey darajada Gaashaanle sare.

sanadkii 2004 wuxuuna xubin ka ahaa wafdigii ka socday maamulka isbaheysiga dooxada  sharkii somalida ugu furmay magaalada Eldoret ee dalk Kenya

Sanadkii 2006dii Generaal Goobaale waxaa uu hogaaminayey ciidamadii magaalada Muqdisho kula dagaalamay ciidamada Itoobiya ee dalka.

Sanadkii 2009 ee dowladdi Shiiq Shariif wuxuu gacan weyn ka gaystay dhismaha ciidamada iyo dhaqan celinta maleeshiyooyinka isagoo noqtay taliye sare oo ka tirsan ciidamada dowlada waxaana loo aqoonsanaa taliyaha labada ciidan oo loo jeeda malateriga iyo booliiska.

Sanadkii 2010 marxuum Goobaale waxaa uu qaatay derajada Sareeye Guuto.

Wuxuuna shaqsi ay si aad ah u jeclaayeen ciidamadi uu madaxda u ahaa iyo waliba saraakiisha ciidamada xooga dalka.

Wuxuu ahaa nin go,aan iyo balan leh naxariis iyo dulqaad badan

General goobaale wuxuu lahaa haybad hogaamineed taasoo u suura geliyasay in uu meel sare ka gaaro dhinaca darajada ciidamada

Allahaa unaxariistee Goobaale waxaa uu geeriyooday 18/9/2016 isagoo xilligaasi ku guda jiray waajibaadkiisi shaqo wuxuuna ahaa taliyihii guutada saddexaad ee ciidamada xooga dalka soomaaliyeed.

19/9/2016 waxaa allahaa u naxariistee Generaal Goobaale aas qaran oo ay ka qayb galeen madax sare sare  loogu sameeyay wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Dhimashada Generaal Goobaale waxaa si weyn ugu naxay shacabka,saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo madaxda dowladda somaliya isagoo lagu xasuusto shaqsi howl kar ahaa isla markaana aysan iloobi doonin ciidamada soomaaliyeed

Samir iyo iimaan Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed haka siiyo gaar ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Naxariiste jano allahaa ka waraabiyo  Aamiin Aamiin Aamiin.



W/Qoray Oo Soo Diyaariyay

Ustaad Omar Mohamad Kulmie

Omar British



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip