Daawo Sawirrada:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu wareejiyay Ciidamo iyo Gadiid

0
Wednesday November 01, 2017 - 17:50:02 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 4397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirrada:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu wareejiyay Ciidamo iyo Gadiid

    Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Maanta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku wareejisay 311 Askari ay usoo Gaba Gabeysay Tababar dhanka Malatariga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Maanta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku wareejisay 311 Askari ay usoo Gaba Gabeysay Tababar dhanka Malatariga ah.

Munaasabada Balaaran oo lagu Qabtay Xarunta Dugsiga Tababar ee General Gordan. Ayaa waxaa ka Qeyb Galay Safiirka Dowlada Imaaraadka u Fadhiya Soomaaliya, Amb. Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi Reysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas C/weli Jaamac Xuseen "Gorod’’ iyo Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidamada lagu wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ah kuwa soo qaatay Tababaro kala Duwan iyadoo Dowlada Imaaraadka Carabta

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabadda, waxaana ciidamadan ay yihiin kuwa qaatay tababaro wanaagsan isla markaana ay u dhameystiran yihiin Gaadiidkooda, Hubkooda iyo agabyada kale ay u baahan yihiin.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kaga mahad celiyay dowlada Imaaraadka Carabta sida ay u taageerto ciidamada xooga dalka, isagoo sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka la doonayo in gabi ahaanba lagu ciribtiro Maleeshiyada Jid iyo Jihadiidka ee Al shabaab.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ciidamada xooga dalka ay u heli lahaayeen Tababaro caalami ah, qalab dhameystiran iyo Mushaar joogta si ay cadowga umadda Soomaaliyeed ee Argagaxisada Al shabaab kaga saaraan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaanP1080729P1080726P1080721P1080719P1080719P1080717P1080713P1080713P1080706P1080706P1080701P1080701P108069321P1080759P1080759P1080758P1080754P10807451




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip