Sannad Guuraddii 63-aad ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12ka Oktober

0
Wednesday October 11, 2017 - 14:00:28 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 3706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sannad Guuraddii 63-aad ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12ka Oktober

    Haddii si kooban u xuso Calanka Soomaaliyeed oo noociisu yahay cirka oo kale oo xiddig cad ay dhexda kaga taalo taasoo astaan u ah Soomaali weyn oo isticmaarkii 5 qeybood u kala qeybiyey waxaa Calanka Qaranka Soomaaliyeed la sameeyey Taariikhdu marka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii si kooban u xuso Calanka Soomaaliyeed oo noociisu yahay cirka oo kale oo xiddig cad ay dhexda kaga taalo taasoo astaan u ah Soomaali weyn oo isticmaarkii 5 qeybood u kala qeybiyey waxaa Calanka Qaranka Soomaaliyeed la sameeyey Taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana sameeyey ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan.

Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa nin wadani ah ayaa in badan shacabka Soomaaliyeed ah aysan aqoon magaciisa iyo waliba Muuqaalkiisa, waana ninka Sawirkan ka muuqda calanka soo saaray, Marxuumka ayaa markii u sameeyey Calanka wuxuu dood dheer la galay dad badan oo ayagu su’aalo ka weydiiyey astaamaha calanka, waxayna dooda ugu weyn ka imaaneysay dhanka Gumeystayaashii oo iyagu markii hore diiday Calanka Buluuga ah, Maxamed Cawaale Liibaan illaahay Janadiisa ha ka waraabiyee wuxuu ahaa nin ay ku weyntahay isla markaana aad u qiimeeya Walaaltinimada ummada Soomaaliyeed ee isku ISIR, AF iyo dhaqanba ah.Waxayna taasi astaan u tahay Xiddigta cad ee Bartamaha kaga taala Calanka Soomaaliyeed oo ka tarjumeysa Jeceelkii uu u qabay Soomaali-weyn oo ay xiligaasi kala qeybsadeen Awoodihii Reer Yurub oo ay ku qaybsadeen shirkii Berlin sanadkii 1884kii waxaa hormood u ahaa dawladda Ingiriiska natiijadii shirkaasi waxaa soomaaliya loo qaybiyey 5 qaybood, dawaladda Ingiriiska waxay nasiib u heshay 2 qayb oo ka mid ah dhulka soomaaliyeed oo maanta loo yaqaanao Soomaali Galbeed iyo Soomaali Bari N.F.D, dawladda Talyaaniga na wuxuu qayb ahaa u qaatay Konfurta Soomaaliya, dawladda Faransiiskana waxay qayb ahaan u qaadatay dhul xeebeeda ee Djabouti, dawladda Ingariiska laba qayb ka mid ah dhulka soomaaliyeed wuxuu hibeeyey dawladda Itoobiya iyo Kenya.

Midabka Calanka Marxuum Maxamed Cawaala Liibaan Midibka Calaanka wuxuu ku micneeyey nabadgalyo, Buluuga-na wuxuu ku tilmaamay Barwaaqadda dalkeena uu leeyahay, Bada, Cirka (Hawada) iyo Dhulka, Sidoo kale midabka Buluuga ayaa lagu tilmaamaa midabka Biyaha oo ah Aasaaska Nolosha, tilmaamaha u bixiyey Marxuum Maxamed Cawaale waxay caddeyn u tahay in dalkiina uu yahay dhul barwaaqo leh

Markii uu Maxamed Cawaale Liibaan uu u soo bandhigay ururka SYL iyo kuwa mucaaradka ah ba dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Libaan, hase yeeshee markii loo geeyey maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Zair iyo kan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa "United Nations-ka” sidaasi darteed aan la ogoleyn Calan dal leeyahay, maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkeystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin Maxaa yeelay wuxuu u agyahay calanka dalka Zair, balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka (Zaire) xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi / Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib  maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya ogolaaday in la qaato calanka buluug ah xiddigta cad dhexda kaga taala.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad iyo aad u qurux badan , kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himiladda ummadda soomaaliyeed oo ah in la helo soomaali weyn oo mideysan "Pan Somalism”.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 63 sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galay, halgankaa soo ay hogaanka u hayeen dhallinyaraddii Soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaasi oo ka soo horjeeday ama diidanaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalayaasha.

Runtii xornimadaasi kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag oo dhiig fara badan loo daadiyey, sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradda maanta joogta in ay ku daydaan doorkii wax ku oolka ahaa ee dhallinyaraddii Soomaaliyeed ka soo qayb qaadatay xornimadda.

Dhallinyaro ka kooban 13, waxaa u suurta gashay markii ugu horeysey taariikhduna ahayd Bishii May 15, 1943-kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo-doon ah oo la magac-baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan siyaasi ahayn.

Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddelay urur weyn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, ururkaasi waxaa albaabadda loo furay taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasoo go’aansaday halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah, sidii loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

Waxaa xusid mudan 11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad weyn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badneyd uguna caansaneyd, sababtoo ah waxaa dhacaayey gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed, Maanlintaasi oo ay dhaceen dagaalo ba’an oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale. Maalintaasi waxaa dalka ku sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood ugu xoog weyn ee adduunka oo ku guuleystay dagaalkii labaad ee Addunka kan koobnaa, dowladda Mareynkanka Mr. Utter, dowladda Ingriiska Mr. Stafford, dowladda Ruushka Mr. Feodorof iyo dowladda Faransiiska Mr. Burin Des Rosier.

Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo 1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar Youth Club) oo ay isku mabada’ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaadka ahayd oo ku bahoobay daladda "umbrella” la magac baxday Patriotic Beneficient. Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar .

Guddigii markii ay dhageysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyey , waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka Soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qabkii iyo hanaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa.

Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii shacabka Soomaaliyeed u suurto gashay in ay hanato calanka buluuga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku fano. Abwaakii Cabdullahi Qarshe heestiisi calanka oo ah : "Qolobaa calankee Kuwaa ceynoo, Innagaa keenu waa – Cirkoo kale’e – Ee aan Caadna-laheyn – Ee aan Caashaqee – Xiddig Yahee Cadibaa  – Naa-CiidamiseeCaradaan Kaligaa Aadow Curatee – Adceeda Sideeda ee CAAN Noqo’ee”

Gabagabadii xuskani sannad guuradii 63-aad ee Calanka Qaranimada Soomaaliyeed waxaan halkani baqaa ugu dirayaa dhamaan dhallinyaradda soomaaliyeed in ay qayb weyn ka qaataan dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta dadkii soomaaliyeed ee colaada dhex martay in ay is cafiyaan oo ay gunta dhiisha isaga dhigaan sidii dalka dib loogu soo celin lahaa sharaftii uu shalay lahaan jiray, maxaa yeelay maanta waxaa nasiib darro ah dawlado shalay ka baqi jiray awood iyo  haybadda shaacabka soomaaliyeed in ay maanta ay ku dhiiraddaan ama damac weyn ka leh in si fudud u qaataan badda iyo berrigaba isla markaasina fara gelin xooggan  kula jira siyaasadda  dalka, Dhallinayaradda soomaaliyeed waxaa ku dayasho muddan dhallintii naftooda u huray  in ay dalka gaarsiiyaan xornimo taamo ah isla markaasi na dadaal xoogan ku jiray sidii ay u heli lahaayeen soomaali weyn oo mideysan taasi ayay ahayd ujeedooyinkii xisbiga SYL.

W.D:- C/laahi Ruush




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip