Waa kuma "Daljir"?

0
Friday September 22, 2017 - 12:22:42 in Maqaallo by Mustaf Xuseen
  • Visits: 4079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma "Daljir"?

    Salaan kadib, waxaan ahay Gen Cabdiqaadir Cali Diini. Waxaan jeclahay in aan la wadaago Muuqaal kooban Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Kaas oo aan ugu magac daray, Waa kuma "Daljir"?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salaan kadib, waxaan ahay Gen Cabdiqaadir Cali Diini. Waxaan jeclahay in aan la wadaago Muuqaal kooban Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Kaas oo aan ugu magac daray, Waa kuma "Daljir"?

Bulsha kasta oo Dal ku wada Nool waxay ku foogganyihiin howllo ama xirfado kala gadisan. Xirfad kastana waxay qeyb ka tahay jiritaanka iyo horumarka bulshadaas meesha ku wada nool.

Haddii aan wax ka soo qaadanno howlahaas kala nooca duwan, waxaa kamid ah;

-Kuwo difaaca dalkaas iyo bulshada, nabad-gelyadeedana ku howlan

-Kuwo Beeraha tabca

-Kuwo Xoolaha dhaqa

-Kuwo Khayraadka badda wax ka soo saara

-Kuwo Waxbarashada iyo barbaarinta ubadka soo koraya ku howlan

-kuwo Siyaasadda iyo hoggaaminta ka shaqeeya

-Kuwo Diinta iyo dhaqanka suubban bulshada bara

-Iyo kuwo kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha hawshoodu tahay

Intaas iyo in kale oo badan oo aanan halkan ku xusin "waa wada daljireyaal!

Iswaydiinta taagan ayaa waxay tahay inta aan soo sheegnay oo dhan haddii ay daljireyaal wada yihiin yaa mudnaanta koobaad la siinayaa bulshada dhex-deeda?.

Su’aashu waa mid laga doodo, waxay ilatahay, ayada oo qadarin la wada mudan yahay, hadana waxaa mudnaanta koowaad leh, daljirka naftiisa iyo dhiiggiisa u huray dadkiisa iyo dalkiisa, waxa ugu qaalisan ee la hibeeyo waa nafta oo la huro.

Haddii uusan jirin daljir nafta hura ma dhacayso in daljirayaasha kale ku guuleystaan shaqada ay dalka iyo  dadka u hayaan. Hadaba, haddii arrintu sidaas tahay maxaa nala gudboon in aan gacan siinno daljirka naftiisa huraya una soo jeeda difaaca dalkiisa iyo dadkiisa.

Haddii aan taas la yeelin ma dhacayso in horumar dal gaaro aysan nabadiisu sugnayn, hadaba waxaan idinku guubaabinayaa Soomaaliyeey in loo guntadu taageeridda daljirka naftii huraha ah iyo midnimada ummada Soomaaliyeed si guul waarta loo gaaro.

MAHADSANIDIN



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip