
Turkiga oo 400 Askar usoo Diraya Soomaaliya Bisha September
Wargeyska ARAB NEWS ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa qoray inay Dowladda Turkiga ka furan doonto Somalia Saldhigii ugu ballaarnaa ee lagu tababarayo Milliteriga, waana Saldhigii ugu horreeyey ee ayTurkiga ka hirgeliyaan dal ka baxsan Baddaha.
Hirgelnta Dhismahaasi ayaa la bilaabay bishii
March ee sannadkii 2011-kii, waxaana ku baxday lacag dhan 50 million oo Dollar.
Saldhigaasi oo ku fadhiya masaafo dhan 450
hectares, waxaana wejiga koowaad laga hirgeliyey 3 Dugsi lagu tababaro
Milliteriga, Bakhaar iyo Hool weyn oo Jiifka iyo Cuntada. Waxaa halkii mar lagu tababari karaa Askar
tiradoodu dhanb tahay 10,000 Askar ka tirsan Ciiddanka DFS.
Prof. Sedat Aybar, oo ah Agaasimaha Xarunta
Cilmi-baarista Afrika ee Jaamacadda Aydin University ee magaalladda Istanbul oo la hadlay Wargeyska
ARAB NEWS ayaa sheegay inay Turkiga door wanaagsan ka qaateen Horumarinta Dalka
Somalia
Waxa uu tilmaamay inaysan jirin cabsi ka
dhalaan karta Saldhigga Turkiga ka furayso Muqdisho, wuxuuna ku dooday in
Muqdisho laga saaray Kooxo uu ugu yeeray Argagixiso, waa sida uu hadalka u
dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray in Turkiga oo xubin
ka ah Isbahaysiga Milliteri ee NATO taxadar kaga jirto inaysan ku lug yeelanin Dagaalladda lagula
jiro Maleyshiyada Alshabaab, waxayna
qaadatay Tallaabo la mid ah Go’aanka Dowladda Maraykanka ee Xaalladda Somalia,
Dhinaca kale, Hasan Ozturk,oo ah Khabiir ku
takhasusay Arrimaha Qaaradda Afrika ayaa sheegay in Saldhigga Milliteriga
Turkiga ku yaallo meel Istaraatijiyad ah oo aad ugu dhow halka laga galo Gacan-biyoodka
Cadmeed oo ku toosan Waqooyiga Muqdisho.
Wuxuuna xusay in Taageeradda Turkiga tahay
mid ku faafaysa dalalka Afrika oo ay wax kala qabtaan Horumarinta iyo
Tababarida Ciiddankooda.


0 

Turkiga oo 400 Askar usoo Diraya Soomaaliya Bisha September
Dowladda Turkiga ayaa la filayaa inay bilowga bisha soo socota ee September u soo dirto Somalia ku-dhawaad 400 Askari, kuwaasi oo ka hawl-geli doona Saldhigga Milliteri ee ay Turkiga ka hirgeliyeen magaalladda Muqdisho.