Koonfur Galbeed oo Hub iyo Ciidan ugu deeqday Muqtaar Roobow
Wadaankaan ayaa la Tilmaamay inuu Doonayo in uu Ciribtiro Maleyshiyada Al-shabaab iyadoo Mudooyinkaan Degaanka Abal uu ugu Dilay Maleyshiyaad iyo Horjogayaal ka Tirsan Kooxda Al-shabab
Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha la socota
ayaa la sheegay in Saanadda Ciidan ay ka qaadeen Degmada Xudur,waxaana Saanadu
isugu jirtaa Hubka Culus iyo kan Fudud,iyadoo la doonayo in Wadaadka lagu
Magacaabo Sheekh Muqtaar uu Hubkaasi isaga Difaaco Al-shabaab.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada
Dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed ee Gurmadka ugu tagay Sheekh Muqtaar Roobow
iyagana loo qeybiyay Hub si ay Al-shabaab uga difaacaan Sheekh Muqtaar Roobow
oo Dhor jeer la dagaalamay Al-shabaab Weerar ku soo qaaday Degaanka uu ku sugan
yahay ee Abal.
Dowladda Mareyknka ayaa Wadaadkaan lagu
Magacaabo Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur ka saartay Liiska waxa loogu
yeero Argagixisada 24-kii June ee Sanadkaan,waxaana tan iyo waxii Xilligaas ka
dambeeyay uu Bilaaway inuu la Dagaalamo Maleyshiyada Al-shabaab isagoo Sheikh
Mutaar Roobow uu sheegay inuu Cirib Tirayo Hogaanka sare ee Maleyshiyada
Al-shabaab
Koonfur Galbeed oo Hub iyo Ciidan ugu deeqday Muqtaar Roobow
Wasiirka Amniga Koofur Galbed Xasan Xuseen Maxamed iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Koofur Galbeed ayaa la sheegay Saanad Ciidan ay ku Wareejiyen Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur oo Al-shabaab kula dagaalamaya Degaa