Dhageyso:-G/Sare Shuute oo Dagniin Adag u Diray Masuuliyiinta DF iyo ilaaladooda

0
Friday May 05, 2017 - 11:03:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-G/Sare Shuute oo Dagniin Adag u Diray Masuuliyiinta DF iyo ilaaladooda

    Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ka hadlay dilkii Wasiir Siraaji ayaa sheegay in Saddex Askari ay u xiran yihiin dilkiisa, kuwaasi oo ku eedeysan in ay ka dambe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ka hadlay dilkii Wasiir Siraaji ayaa sheegay in Saddex Askari ay u xiran yihiin dilkiisa, kuwaasi oo ku eedeysan in ay ka dambeeyeen.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Shuute Askarta dishay Wasiir Cabaas in ay ilaalo u ahaayeen Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo Golaha Wasiirada ay xil ka qaadis ku sameeyeen,

 

Sdioo kale waxa uu sheegay in ay socdaan baaritaano dhab, oo lagu ogaanayo shaqsiga sida saxda ah ugu dambeeyay dilka Wasiirkii Howlaha Guud, si aysan u dhicn deg deg, lana hubiyo cadaalada.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale Masuuliyiinta Dowladda iyo ilaaladooda uga digay in ay handadaan shacabka, dhibaatana ay ugeystaan.

 

Waxa uu sheegay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya in aysan u dulqaadan doonin dhibaato loo geysto shacabka Soomaaliyeed, hadana iyaga dhibaateysan looga tago wadada dhexdeeda, taasina waxa uu sheegay in loo aqoonsanayo mid ku talagal ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip