Taariikh nololeedkii S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor

0
Wednesday August 31, 2016 - 17:41:13 in Maqaallo by Mustaf Xuseen
  • Visits: 9178
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Taariikh nololeedkii S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor

    S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer Sanadkii 1937dii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer Sanadkii 1937dii.

Ismaaciil Cali Obokor Sanadkii 1947Kii ayuu tacliinta ka galay magaalada Burco , wuxuuna waxbarashadii dugsiga hoose ku dhammeystay magaalada Sheikh Sanadkii 1954tii. Sanadihii 1954tii-1956dii waxbarashadii dugsiga ku dhammeystay magaalooyinka Sheikh & Camuud.

Ismaaciil Cali Obokor wuxuu yaraantiisa jeclaa in uu ka mid noqdo ciidamada Soomaaliya, isaga oo ahmiyad gaar ah siinayay ciidamada militeriga. Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ku dadaali jiray sidii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinkii ay dadka Soomaaliyeed ka dhaxleen gumeysteyaashii qeybiyay & xaqiijinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Ka dib markii uu waxbarashadiisii dhammeystay wuxuu tababar dhinaca ciidamada ah ku tagay dalka Ingiriiska, wuxuuna Sanadkii 1958dii waxbarasho dhinaca ciidamada ah ku qaatay akademiyada ciidamada ee "Sand Dhurst”. 

Ismaaciil Cali Obokor wuxuu dalka dib ugu soo noqday Sanadkii 1960kii isaga oo ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee loo soo tababaro waqooyiga dalka Soomaaliya. Sanadkii 1961diiIsmaaciil Cali Obokor wuxuu taliye ku xigeen ka noqday dugsigii tababarka saraakiisha isaga oo 2 xiddigle ah.

Sanadkii 1962dii wuxuu in muddo ah madax ka ahaa xafiiska isku duwidda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sanadkii1963dii-na wuxuu taliye ku xigeen urur ka ahaa ciidamadii fadhigoodu ahaa Gobolka J/Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Sanadkii 1965tii wuxuu tababar ka galay magaalada Muqdisho, waxaana tababarkaas ka dib loo magacaabay taliye urur in uu ka noqdo Magaalada Kismaayo, waxaana loo dallacsiiyay darajeda 3 xiddigle ama dhamme.

Sanadkii 1967dii waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Dugsiga Tababarka ee Xalane oo waqtigaas la oran jiray "Bootiko” laguna carbin jiray leyliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed isla markaana lagu qaadan jiray tababarrada & dallacaadaha & mideynta saraakiisha dibedda ka timaadda.

Saraakiishaas waxaa ka mid ahaa wufuud ka kala socota dalalka Tanzania, Zambia, Egypt, Nigeria, iyadoo wefdigaasi uu u xilsaaray Dalka Soomaaliya Ururka Midnimada Africa.

Ismaaciil Cali Obokor waxaa wafuuddaas ku wehliyay Mondolano oo madaxka ahaa ururkii Federlimo, Samoro Micheel & Marsellino Do Santos oo ay socod dhinaca lugta ah ku galeen Dalka Mozambique 520 KM, doorkii Soomaaliya ay ku la heydna aad loogu ammaanay.

Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada ee hoggaaminayay Kacaankii aan dhiggu ku daadan ee 21kii bishii Oktoobar ee Sanadkii 1969kii ay Ciidamada Qalabka Sida kula wareegeen talada Dalka Soomaaliya. 

Curashadii Kacaanka ka dib wuxuu muddo 6 bilood ah madax ka ahaa guddigii la oran jiray Xisaabi-xil-maleh, oo la sheegay in ay baarayeen tagrifal la sheegay in lacago lagu lunsaday intii ay jireen xukuumadihii rayidka ahaa.

Sanadkii 1970kii Ismaaciil Cali Obokor waxaa loo magacaabay wasiirkii warfaafinta & hanuuninta dadweynaha, wuxuuna isla sanadkaas u dallacay Darejooyinka G/Dhexe & G/Sare.

Ismaaciil Cali Obokor  muddadii uu wasiirka ka ahaa wasaaraddaas waxay noqotay tiirarka ugu waa weyn ee Kacaankii 21kii Oktoobar.Wasaaraddan oo loo arkayay in ay qeyb weyn ka qaadan karto isbedelka xagga maskaxda ah, dhaqanka & nolosha bulshada cusub ee u halgameysa hirgelinta Mabaadiida Cilmiga Hantiwadaagga ku dhisan.

Ismaaciil Cali Obokor waxa uu aad ugu dadaalay sidii loo kordhin lahaa shaqaalaha wasaaraddaas & dhaqaalahoodaba, waxaa dib u soo noolaatay kalsoonidii falsafadda Kacaanka horseedka ka ahaa.

Sanadkii 1971dii, ka dib isbadel lagu sameeyay xubnihii hoggaamiyay Golihii sare ee Kacaankawaxaa loo magabaacay in uu noqdo Madaxweyne ku Xigeenkii 3aad ee Golihii Sare ee Kacaanka.

Ismaaciil Cali Obokor wuxuu madaxka soo noqday guddiyo ay ka mid ahaayeen;-

1.    Guddigii Olaha Shaqaalahaa;

2.    Guddigii Ololaha hirgelinta Hantiwadaagga;

3.    Guddigii Kacaanka Dhaqanka ee hirgelinta Afka Hooyo;

4.    Guddigii Dacwooyinka shaqaalaha;

5.    Guddigii Ololihii qabyaaladda.

Sanadkii 1974tii wuxuu Ismaaciil Cali Obokor Guddoomiye ka noqday Golihii Sare  ee Kacaanka u qaabilsanaa siyaasadda & arrimaha bulshada.

Sanadkii 1976dii Ismaaciil Cali Obokor wuxuu gaaray Derajada S/Guuto, wuxuuna isla markaana noqday guddoomiyihii guddiga qabanqaabada howlaha Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.

S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor dhismihii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed waxaa loo magcaabay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Xisbigaas.

S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor wuxuu noqday Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Golihii Shabciga Qaranka ee la dhisay Sanadkii 1979kii.

S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor xabsiga ayaa loo taxaabay Sanadkii 1982dii ka dib markii lagu soo eedeeyay qiyaano qaran & in uu wax ka maleegayay afgambi lagu rido Madaxweynhii Golihii Sare ee Kacaanka,waxaana xabsi uu ku jiray illaa laga soo gaaro Sanadkii 1988dii Xubnaha lala xiray waxaa ka mid ahaa;-

1. Cumar Carte Qaalib

2. S/Gaas Cumar Xaaji Masalle

3. G/Sare Cusmaan Max’ed Jeelle

4. Warsame Juguf oo intii uu xirnaa ku geeriyooday xabsiga dhexdiisa.

S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ku nool yahay dalka UAE wixii ka dambeeyay ridistii dowladdii dhexe ee soomaaliya.Ogsoonoow Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Mar Qaati leh

W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida

Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye

Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip