Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Dalkeena waxaa uu ciidan lahaa xilligii gumeystaha, Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaa ay sameeyeen booliis, ciidanka booliiska waxaa la dhisay Sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray Sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, Ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye.
Sanadkii 1960: Ciidanka xoogga
dalka waxaa la aasaasay April 12,1960-kii kadib qoraal uu soo saaray mudane Cabdulahi Ciise Maxamud oo
xitaa dhinac maray talooyin ay siiyeen saraakiishii xiligaas joogtay oo
arrinkaas diidanaa sida Maxamed Abshir, Ceynaanshe iyo rag kale.
Ciidamada xoogga dalka waxaa lagu aasaasay 8
horin oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya, halkii horin waxaa lagu qiyaasaa
100-120 askari.
Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka
xoogga dalka dhamaantood waxaa ay ahaayeen Booliis , Waxaa ka mid ahaa
Gashaanleyaal sida Da’ud Cabdulle Xersi, Maxamed Ibrahim Liiqliiqato, iyo rag kale iyo kuwoo
Captain ahaa sida Maxamed Siyaad, Cali
Samatar, Gabeyre iyo Cabdulahi Yusuf….raggan iyo inkaloo badan waxaa laga
wareejiyay ciidanka booliis-ka oo waxaa lagu aasaasay ciidanka xoogga dalka.
Soomaalida markii ugu horeysay oo ay arkaan
ciidamada xoogga dalka waxaa ay aheyd July 1, 1960-kii, xiligaas oo ay
dalka ka dhigeen dabaaldegyo ku aadan xoriyadda iyagoo la wareegay amaanka
dalka iyo dadka.
Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka waxaa ay
sheegayaan in aasaaska ciidanka xoogga uu barbar socday qiiro iyo xamaasad
waddaniyadeed oo shacab iyo dowladba leh, inta ay dadka wadaniyad ka qabaan waxaa qiimo ama percentage lagu daray
cashuuraha dowladda hoose si miisaaniyad loogu abuuro ciidamada qalabka sida.
Tiro ahaan ciidanka waxaa la geeyay ilaa 4000
oo ciidan kuwaas oo kala ahaa: 1000 Askari oo Talyaaniga dalka uga
tagay, 2000 oo ahaa askar la qoray iyo
1000 askari oo ka yimid waqooyiga dalka oo xiligaas uu maamuli jiray gumeystaha
Ingiriiska.
Sida ay saraakiisha ciidanka noo sheegeen
dhibaatada ugu badan waxaa ay ka timid isfahamka ciidan oo qaarkood Army la
dhaho sida kuwa waqooyi ka yimid iyo Serjito oo dhinaca Talyaaniga ah.
Si isfaham darridaas looga baxo waxaa uu
Taliye Maxamed Ceynaanshe sameeyay afka maanta ciidanka adeegsado ee
"Digtoonow”, "Joogso”, "Dib u Jeeso” iyo erayada kale ee caanka ah.
July 1, 1960: Waxaa
Xoriyad qaatay dalkeena Soomaaliya, waxaa midoobey labada gobol ee koofurta iyo
waqooyiga Soomaaliya, maalintaas faraxdda kuma koobneen oo keliya labadii
midowday.
Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti), waxaa ka yimid
halgamaagii weynaa Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid
Koofur Galbeed iyo NFD.
Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii
umadda Soomaaliyeed, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama
Somaliweyn iyo sidii gacnta Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa dhulka maqan.
Ciidanka:
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aasaaskii
kadib, waxaa ay tababaro, hub iyo saanad kale ka heleen midowga Soviet kadib
markii 1963 ay dalka Ruushka safar ku tagay ra’isul wasaaraha dalka Cabdirashid
Cali Sharma’arke iyo taliyaha ciidanka qalabka sida General Da’ud.
Dalka Ruushka waxaa ay ogolaadeen in ay
qalabeeyaan ciidamada xoogga dalka oo tiro ahaan la sheegay in ay noqdaan ilaa
35,000, ciidankan ayaa isugu jiray ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka
cirka iyo difaaca cirka.
Markii qalabeynta lagu bilaabay ciidamada
qalabka sida hadafkooda koobaad waxaa uu ahaa xoreynta dhulka ay gumeystaha ka
heystaan Soomaaliya sida Soomaali galbeed iyo NFD.
Dagaallada:
1964: Dagaalkii ugu horeeyay ee ciidankeenna uu
galo waa dagaalkii xadka ka dhacay ee 1964-tii waxaa xiligaas taliyaha
ciidanka xoogga dalka ahaa Gen. Da’ud Cabdulle Xersi,, dagaalkan oo ka dhacay
Wajaale iyo goobo kale, waxaa ku adkaaday ciidankeenna qalabka sida waxaa
dagaalkaas ku soo caan baxay Salaad Gabeyre, waxaa dadkii halkaas ku shahiiday
ka mid ahaa geesigii diiday in calankeena uu dhulka ku dhaco ee Xalane.
1977: Dagaalkan oo loo yaqaano xoreynta Soomaali
galbeed waxaa ciidanka xoogga dalka lagu xasuustaa geesinnimo xad dhaaf ah,
waxaa ay furumaha cadawga xabashida ay ku jiireen saacado kooban.
Taliyeyaashii Soomaalida ee dagaalka
hogaaminayey waxa ay sheegeen in xabashida ay si lama filaan ah u jabtay,
ciidamada geesiyaasha Soomaalida waxaa ay gacanka ku dhigeen inta badan dhulka
Soomaali Galbeed sida Mustaxiil, Wardheere, Dhagaxbuur, Godey, Qalaafe,
Qabridahare, Jigjiga iyo magaalooyin kale, waxaana qalqal galay maamulka
Mengistu Haile Mariam.
Dagaalkaas oo ka mid noqday dagaallada dunida
ka dhacay xiligii dagaalkii Qaboobaa, Jaamacadaha la dhigo, dalalka Ruushka iyo
Cuba ayaa qiyaaney dalkeena iyagoo si lama filaan ah gacan u siiyay xabashida taa
soo keentay in ciidanka xoogga dalka uu dib u soo laabto.
Taliyeyaashii ciidanka xoogga dalka 1991-dii
Ka Hor:
Ciidanka xoogga dalka waxaa hormuud ka noqday
taliyeyaal badan oo magac ku lehaa ciidanka dhexdiisa.
1960-kii, Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka
Xoogga Dalka waxaa uu ahaa Gen. Da’ud Cabdulle Xersi, isaga ayaa
mas’uul ka ahaa dhismaha ciidanka xoogga iyo in ciidankeeda uu ku guuleysto
dagaalkii ugu horeeyay xoriyaddii kadib.
Taliyeyaasha kale, waxaa ka mid ahaa:
Taliyihii Labaad ee Ciidanka
Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre, Taliyihii
Seddexaad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guud Jaalle Maxamed
Cali Samatar, S/Gaas Jaalle Cumar Xaaji Massalle, S/Gaas Jaalle Aden C/llaahi Nuur Gabyow
S/Guuto Jaalle Eng Maslax Maxamed Siyaad S/Guuto Jaalle Maxamed
Saciid Xersi Morgan Waxaa xusid mudan in S/Gaas Jaalle Maxamed
Siyaad Barre, Siyaad uu ahaa Taliyaha Guud Ee Ciidamada Qalabka Sida ee
Soomaaliya 1969-1991-dii.
Wasiirradii Gashaandhigga:
1960-1969: Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,Sheekh Cali Ismaaciil, Hilowle Macali Maxamed, Aden Isaq
Axmed, Cabdiraxman Xaaji Muumin, Xaaji Yusuf Imaan Guuleed.
1969-1991: Salaad Gabeyre Kadiye, Maxamed
Cali Samatar, Aden Cabdulahi Nur Gabyow iyo Xuseen Cabdiraxmaan Mataan
Tirada iyo Awoodda Ciidanka:
Ciidanka xoogga dalka waxaa uu noqday
ciidanka 3-aad ee ugu awoodda badan Afrika marka laga reebo dalalka Nageria iyo
Masar, waxaa uu ku bilowday 8 horin 1960-kii, dagaalkii 1964-tii ciidankeena
tiradiisa waxaa ay dad xog ogaal ah ii sheegeen in uu ahaa 4000 iyo xogaa
laakin 13 kadib dagaalkii 77 ee xoreynta Soomaali galbeed tirada ciidanka
xoogga dalka waxaa ay dowladda ku sheegtay ilaa 40,000 oo askari, laakin
saraakiil ka tirsan militariga waxaa ay xaqiijinayaan in ciidankeena uu u
dhaxeeyay 300,000-500,000, taasi oo ku tuseysa tirada iyo tayada ciidanka.
Mishaar: inkasta oo ciidanka xoogga dalka
aanu qaadan jirin mushaar badan xiligii Maxamed Siyaad hadana waxaa jiray
sababo badan uu ku qanco, tababaro, dalacsiin, raashiin lacag la’aan ah iyo
isagoo aaminsanaa in uu difaacayo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa.
1991: Burburkii dalka waxaa dhibka ugu weyn uu soo
gaaray ciidanka xoogga dalka, ciidanka xoogga gooni uma istaagin oo waxaa ay ku
dhex milmeen qabaa’ilkii, waxaa meesha ka baxay heybaddii ciidanka.
2000: Wixii ka dambeeyay Madaxweyne Cabdiqasim
Salaad Xasan ayaa bilaabay in uu dib la
isugu yeero ciidanka xoogga dalka isagoo
taliye u magacaabay Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji, wixii maalintaas ka dambeeyay
ciidanka xoogga dalka waxaa uu ahaa mid aasaaskiisa dib loo soo bilaabay.
Taliyeyaasha Ciidanka xoogga ee burburkii
kadib:
Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji, Gen Cabdulahi
Cali Cumar, Gen Saalax Xiis, Gen Saciid Dheere, Gen Yusuf Cusmaan Dhuumaal,
Gen. Geelle Kaahiye, Gen. Jimcaale
Geedi, Gen. Cabdiqadir Sheekh Diini, Gen. Maxamed Indho Qarshe, S/Gaas Gen
Daahir Aden Elmi, S/Gaas Maxamed Aden Axmed.
Wasiirrada Gaashaandhigga:
2000-2004:
Cabdullahi Muse Boqor, Cabdiwahab
Mohamed Xussein. ,
Aden
Axmed Cabdi
2004-2009: Cabdirahman Mohamud
Cali, Barre Aden Shire Hiiraale,
Muxiddin Mohamed Haji Ibrahim.
2009-2012: Mohamed Cabdi Gandhi, Cabdikarim Mohamud Haji Faqi, Xussein Arab Isse.
2012-2016: Cabdihakim Mohamud Haji-Faqi,Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo S/Gaas Cabdulqaadir
Sh. Cali Diini.
Awoodda Ciidanka
Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed waa mid
aad u sareysa waqtigan la joojo waxayna ku guuleysteen howlgallo muhuum ah
waxayna diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda qaran waxayna naftooda u
huraan difaaca dalkooda hooyo waxayna mar waliba u taagan yihiin ilaalinta
qaranimada soomaaliya ciida calanka diinta iyo dadka.
Ogsoonoow Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Mar
Qaati leh
W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka
Sida
S.N.A RADIO
Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye
Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga
Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa uu ka kooban yahay illaa 4 ciidan oo kala ah: Ciidanka Lugta, Ciidanka Badda, Ciidanka Cirka iyo Difaaca Cirka.