Tariikh Nololeedkii S/Guuto Cabdiweli Maxamuud Sheikh Xuseen "Nuc-Nuc"

0
Wednesday August 31, 2016 - 15:29:32 in Maqaallo by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tariikh Nololeedkii S/Guuto Cabdiweli Maxamuud Sheikh Xuseen "Nuc-Nuc"

    SGuuto Cabdiweli Maxamuud Sheikh Xuseen wuxuu dhashay sannadku markuu ahaa 1948dii. Waxabarashadisii Dugsiga Hoose iyo Dhexe wuxuu ku soo qaatay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, isagoo waxbarashadii Dugsiga Sare ku qaatay magaalada Caasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SGuuto Cabdiweli Maxamuud Sheikh Xuseen wuxuu dhashay sannadku markuu ahaa 1948dii. Waxabarashadisii Dugsiga Hoose iyo Dhexe wuxuu ku soo qaatay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, isagoo waxbarashadii Dugsiga Sare ku qaatay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Wuxuu Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed ku biiray sannadkii 1971dii isagoo loo qaatay Layli Sarkaal (Allievo Ufficiale) waxaana waxbarasho Ciidan loogu diray Kulliyadda Ciidammada Modena ee Dalkaa Talyaaniga (Accademia Militare di Modena, Italia).

Markuu Kulliyaddaa ka soo qalin jebiyay wuxuu u gudbay Dugsiga Tababarka Karabinyeeriga ee magaalada Rooma (Scuola d’ Applicazione dei Carabinieri, Roma, Italia) wuxuuna waddanka dib ugu soo laabtay sannadkii 1976dii.

Wakhtigaa wixii ka dambeeyay SGuuto Cabdiweli Maxamuud Sheikh Xuseen (AUN) wuxuu jagooyin muhiim ah ka soo qabtay qaybaha kala duwan ee XDS isagoo ka soo noqday Taliye Horin, Taliye Urur iyo Taliye Guuto Qaybtii 26aad ee XDS.

Sidoo kale wuxuu Taliska Guud ee XDS ka soo qabtay jagooyin ayaguna muhiim ah sida Madax Hoggaan, Madaxa hay’ad iyo U Qaybasanaha Arrimaha Ciidammada Safaaradda Somaaliya ee magaalada Bariis, dalka Fransiiska (Military Attaché, Somali Embassy, Paris, France).

Muddadii dagaalka sokeeye Somaaliya ka socday, SGuuto Cabdiweli wuxuu magangalyo ahaan ugu nolaa magaalada London ee dalka Ingiriiska. Naxaristii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo

marxuumka waxa uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee dalka Somaaliya 3dii Desember sanadkii 2013,. Amiin!!!

Ogsoonoow Taariikhdu Waa Mudan Waa Tiro Mar Qaati leh

W/D Tifaftiraha warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida

Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye

Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip